Maxaa kusoo kordhay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Qarax nuuciisa uu yahay ismiidaamin oo loo adeegsaday Gaari ayaa lala beegsaday maqaaxi lagu magacaabo Shaax-macaan oo ku dhegan xaruntii hore ee ceymiska magaalada Kismaayo.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxaa fuliyay dhagarqabe xili ay camirneyd Maqaaxida isla markaana ay ku sugnaayen Saraakiil, Ciidamo, Odayaal iyo dad shacab ah.

Saraakiisha Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay sheegeen goobta uu Qaraxa ka dhacay in ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, kuwaasi oo goobta ka soo qaaday dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.

Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka ambalaasta ayaa sheegay in goobta ay kasoo qaaden Meydad iyo dhaawacyo farabadan oo la gaarsiiyay xarumaha caafimaadka.

Waxa uu sheegay in kaligii uu goobta ka qaaday dhaawacyo dhan Siddeed, halka Meydadka la geeyay Xarumaha Caafimaadkuna ay kor u dhaafayaan ilaa Shan.

Dadka dhintay ayuu sheegay inay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Militeriga maamulka, Ciidamo iyo Odayaal Maqaaxida ku shaahayay.

Magaalada Kismaayo ayaa caawa xaaladeeda waxa ay tahay mid kacsan, waxaana wadooyinka magaaladaasi caawa si aad ah u soo buux dhaafiyay Ciidamo farabadan.

Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadal Khasaaraha ka dhashay weerarka Ismiidaaminta, inkastoo Saraakiishu ay yihiin kuwo ku howlan tiro koobka dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com