25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Meydad iyo dhaawacyo weli daadsan bartamaha magaalada Marka iyo wararkii ugu dambeeyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal culus oo ka socda bartamaha magaalada Marka, kaa oo u dhexeeya maleeshiyo beeleed Hubeysan.

Dagaalka ayaa waxaa leysu adeegsanayaa Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lasoo warinayaa in goobaha uu dagaalka ka socda ay buux dhaafiyeen Meydad iyo dhaawacyo.

Meydadka iyo dhaawacyada buuxa goobaha uu dagaalka ka socda ayaa waxaa u badan labada dhinac waxaana sidoo kale jira dad shacab ah oo ku waxyeeloobay dagaalka.

Dagaalka oo weli socda ayaa waxaa laga cabsi qabaa inuu kusii faafo qeybo kamid ah magaalada, iyadoo labada dhan ay soo kala gaarayaan gurmad.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo ku sugan goobaha uu ka socdo dagaalka ayaa xaqiijiyay inuu arkay meydad kor u dhaafaya 11 iyo dhaawacyo farabadan oo loo daad gureynaayo xarumaha caafimaadka.

Dhaawacyada qaar ayaa la sheegayaa inaysan heysan gurmad, kuwaa oo laga cabsi qabo inay u geeriyoodan dhiig bax.

Sidoo kale, dadka Shacabka ah ee ku dhaqan xaafadaha Buulo Jaan iyo Beyturaas ayaa iyaguna ku guda jira barakac ballaaran, waxaana dagaalka uu bilowday xalay oo muddo saacado socday, iyadoo maanta barqadii uu dib u bilowday.

Ma jirto haddal kasoo baxay dowlada Federaalka iyo maamul Koonfur Galbeed oo ku aadan Dagaalka hadda ka socda magaalada Marka.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News