Hargeysa (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu is casilay Guddoomiyaha Golaha wakiilada maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ”Cirro”.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu yahay musharax madaxwayne ee u tartamaaya Xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo kamid ah Xisbiyada ugu dhaqdhaqaaqa badan Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu baneynaayo kursiga golaha wakiilada ee maamulka, waxaana lagu wadaa in istiqaalada xilkiisa uu gudbin doono maalinta beri ah oo uu la kulmaayo Xildhibaanada maamulka.
Guddoomiye Cirro ayaa xilkaasi hayay muddo ku dhow laba iyo toban sano ah, waxaana is casilaadiisa sabab u ah musharaxnimadiisa Madaxweyne.
Xildhibaanada maamulka ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah ay xaadiraan Xarunta si ay goob joog uga ahaadan is casilaada xilkiisa.

