Sawirro: Ciidamo ka tirsan Booliska AMISOM oo laga dhoofiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duulay ciidamo ka tirsan Booliska AMISOM kuwaa oo dhameystay shaqooyinkii ay u joogen Somalia.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, oo qeyb ka ahaa Sagootinta ayaa sheegay in ciidamada la sagootiyay ay dhameystirteen howlgaladii ay u joogen Somalia.

Ciidamadaan ayaa qaabilsanaa xaqiijinta Amniga doorashadii ka dhacday Somalia ee uu kusoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM Cismaan Nuur Subagle, iyo Taliyaha guud ee Booliska AMISOM ee Soomaaliya Anand Pillay ayaa ka qeyb galay Munaasabad Ballaaran oo lagu qabtay Muqdisho , taasi oo lagu sagootinaayay Ciidamadaasi.

Sidoo kale, Taliyaha guud ee Booliska AMISOM ee Soomaaliya Anand Pillay, ayaa aad u amaanay shaqooyinka ay qabteen ciidamada safray.

Waxa uu intaa raaciyay in si weyn uga qeyb qaateen soo saarista Saraakiil iyo Askar ka tirsan Booliska Soomaaliya.