Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Yaxye Cali Ibraahim, oo kamid ah aqoonyahanada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan waxyaabaha laga filan karo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Aqoonyahanka oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya mar walbaa laga filan karo inay ka hor yimaadaan xukuumada uusoo dhisay ra’iisul wasaare Cumar c/Rashiid.
Wuxuu aqoonyahanka wax lagu farxo ku tilmaamay in xildhibaanada ay sameeyeen la xisaabtan dhab ah, laakiin waqtiga iminka harsan uu yahay mid kooban oo loo baahan yahay in xildhibaanada danta qaranka ka fakaraan.
Prof Yaxye, ayaa cadeeyay in midowga ay sameysteen xildhibaanada baarlamaanka ay keeni karto ka hor imaanshiyaha golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo uu xalay shaaciyay ra’iisul wasaaraha dalka.
“Kudlada ay ku midoobeen xildhibaanada labo dhinac marka laga eego macno ayay ku fadhidaa, haddii aan eegno midowgooda wuxuu horseedi karaa inay ka hor yimaadaan wax walbaa, dhinaca kalana wey ku wanaagsan yihiin inay isla xisaabtan sameeyaan”ayuu yiri Yaxye.
Xalay ayay aheyd markii ra’iisul wasaaraha dalka uu ku dhawaaqay golaha wasiirada cusub oo ka kooban 20 wasaaradood, kuwaasi oo qaarkood siyaasada ku cusub, halka qaarka kalana ay lasoo shaqeeyeen xukuumadihii hore.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]