Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa amar ku bixiyay in Saraakiisha Maamulkaasi ay awood ku uruuriyaan dhamaan Hubka ay wataan Maleeshiyo beeleedyada ku nool qeybo kamid ah Deegaanada Kismaayo.
Hogaamiyaha ayaa ku goodiyay in la soo gaba gabeen doono hubka sharci darada ah ee lagu heysto Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale, waxaa go’aankaasi taageeray kana hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Magaalada Kismaayo Col. Gaboobe Xasan Barre, waxa uuna sheegay inay ka go’an tahay inay dhaqan galiyaan awaamirta kasoo baxday Xafiiska Axmed Madoobe.
Wuxuu sheegay inay jiraan dad hub sharci daro ah ku dhex heysta Magaalada Kismaayo oo iyagu muujinaayo awoodo Maleeshiyo inuu weli ka jiro deegaanada Maamulka balse aysan u dulqaadan doonin arrinkaasi.
Isagoo taa ka hadlaayay Taliyaha ayaa waxa uu yiri “Haa wey jiraan dhalinyaro badan aan ka tirsaneyn Ciidamada Maamulka oo magaalada ku dhex wata Hub sharci daro ah, waxaan ugu baaqeynaa inay hubkaasi ku soo wareejiyaan Maamulka”
”Inta badan raga wata Hubka sharci darada ah ayaa mas’uul ka ah Mushkiladaha ka taagan Kismaayo iyo deegaanada ay ka dhacaan falalka amni daro, mana aha wax uu Maamulku u dul qaadan doono, hadii ay dhacdo in Hub la soo qabto waxaa milki doono Maamulka”
Col. Gaboobe, ayaa ku cago jugleeyay inay xoog dadka kaga uruurin doonaan hubka sharci darada ah, haddii ay diidaan inay ku soo wareejiyaan Maamulka Jubbaland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho