Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Kutlo ee Toosinta Talada Dalka iyo Bad-Baadinta Qaranka, ayaa taageero weyn ka helaya beesha caalamka, si ay dalka uga bad baadiyaan gacanta Damu-Jadiid, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.
Sida ay ku xog warameen madaxda sare ee Kutlooyinka waxaa taageerada ay a helayaan dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwa Yurub, taas oo ku dhiiri-gelisay inay Damu-Jadiid ka adkaan doonaan, aysanna aqbalin laaluushkooda.
Taageerada ayaa isugu jirta mid siyaasadeed iyo mid maaliyadeed, sida ay xogta sheegeyso.
Damujadiid oo lacag badan ku bixiyay sidii ay kala furfuri lahaayeen Kutlooyinka mucaaradsan siyaasadooda sida muuqata waa ku guuldareeysteen maxaa yeelay Xildhibaanadii laaluushka weeydiisan jiray waxeey dhamaantood xirteen telefoonada.
Damujadiid waxyaabaha looga cararay waxaa ugu weyn Kutlooyinka Baarlamaanka oo noqday kuwa bartay beenta iyo ballan ka baxa Damu-Jadiid.
Goodax Barre, Cabdullahi Kobaweyne iyo Fawziya Yuusuf Xaaji Adam ayaa iska diiday iney ka mid noqdaan golaha Wasiiradda cusub ee Cumar Cabdirashiid soo dhisayo, si ay uga tanaasulaan diidmadooda damaca Damu-Jadiid.
Is-baheysiga xildhibaanada ayaa muujinaya is-beddelka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dhammaadkii xilliga laaluushka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

