Maxaa laga yeelayaa kuraastii ay xalaaleeyeen guddiigii uu shalay eryey ROOBLE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, oo uu ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud Laki.

Shaqo ka joojinta xubnahaan ayaa timid xilli ay xubnahan saaka kasoo hormuuqdeen warbaahinta iyagoo edeeyn u jeediyay Midawga Musharaxiinta, oo ay sheegeen inay halis ku yihiin shaqooyinkooda.

Maxaa laga yeeli doonaa go’aamadii khaldanaa ee ay horay u gaareen guddiga?

Rooble wuxuu eryey xubno uu ku eedeeyey inay khaladaad galeen hase yeeshee ma uusan sheegin waxa laga yeelayo khaladaadkii dhacay iyo haddii dib loo saxayo iyo haddii kale. 

Guddiga xallinta khilafaadka ayaa horey go’aan uga gaaray kuraas dacwad laga soo gudbiyey oo qaarkood ay sheegeen in hab-raacii loo maray ay aheyd kuwa saxan sida kursiga HOPP#67 ee uu kusoo baxay taliyaha ku-meel gaarka ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Farey iyo kursigii uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

“Labo kiis oo aan anagu qabanay waxa aan u raacnay habraacyadaas, waxa aan u arkeynay in caddaaladda keliya ee labada dhinac xaq siineysa, labadaas kiis aan qabanay mid waxa uu ahaa kii Xuseen Carab ciise HOP#239 & Midna waxa uu ahaa kursigii ugu dambeeyay HOP#067 ee uu kusoo baxay Yaasiin Farey, hab aad & aad u qurxoon oo laga baaraandegay oo habraacyada loo eegay ayaa u marnay” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka Xuseen ka hor inta aan la eryin.

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegay inay aheyd inuu Ra’iisul Wasaare Rooble tallaabo ka qaado guddiyada qabtay doorashada boobka ah oo aan kaliya eeda dusha laga saarin guddiga xalinta khilaafaadka.

“Guddiga xallinta khilaafaadku waa halka ay wax ku soo dhamaadaan, guddiyada kale wax ay soo qaldaan ama ay soo musuqmaasuqaan ayaa soo gaara, waxaa in la isweydiiyo mudan sababta kuwii wax soo qalday tallaabada looga qaadi waayey oo kuwaan kaligood loo beegsaday haddiiba wadada wax sixidda loo jeestay,” ayuu yiri Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale is waydiiyey waxa laga sameyn doono kuraastii dacwadda laga soo gubiyey oo uu ansixiyey guddiga.

“Tan kale go’aanadii qaldanaa ee guddigaas ka soo baxay waxba lagama dhihin! Haddii qalad iyo eex ay sameeyeen lagu eryay xubnahaas, go’aanadii ay soo saareena waxa ay ahayd in meesha laga saaraa!! Haddii kale waraaqahaan laftooda ayaa xalaaleynaya wixii guddigu xalaaleeyey!?!.

Fallanqeeyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble aysan ku filneyn daminta cabashada ka taagan kuraastii la doortay ee muranka dhaliyey, oo ay tahay inuu Rooble go’aan cad ka qaato go’aanadii qaldanaa ee horey loo gaaray.

Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa dalbaday in lagu laabto go’aanadii ay horey u gaareen guddiga xalinta khilaafaadka.

“Isbedelka lagu sameeyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu horudhac u yahay soo celinta kalsoonida shacabka, waana in dib looga laabto go’aannadii guddiga ay hore u gaareen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay golaha soo saareen.

Haddii uu Rooble ku adkeysto in sidaan looga gudbo kuraastii muranka dhaliyey wax weyn sooma kordhin doonto xubnihii xilka laga qaaday, maadama sababta looga qaaday ay aheyd inay si khaldan u maareeyeen kuraastii dacwadda laga soo gudbiyey.

Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa rumeysan in haddii aan la baabi’in doorashada kuraastii lagu muransanaa ay tallaabada Rooble ka dhigeyso cayaar siyaasadeed lagu xalaaleynayo kuraastaas, xilli ceyrinta guddigana la isugu muujinayo dhex-dhexaadnimo. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii