Waxay diiday inuu guursado kadibna wejigeedii qurxanaa ayuu aashito ka baabi’iyey

Baghdad (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada ee caalamka qabsaday muuqaallada argagax leh ee Maryam al-Rikabi oo ah gabar Ciraaqi ah oo wejigooda uu isbedelay islamarkaana gogo’ay kadib markii uu aashito ku shubay nin ay diiday inay guursato.

Gabadhan oo ah ardayad deggan magaalada Bagdhad ayaa waxaa bishii June ayada oo gurigeeda jiifta soo weeraray ninka ay guurkiisa diiday.

Ninka ayaa soo galay guriga Maryam xilli hooyadeed iyo aabaheed ku maqnaayeen shaqo, wuxuuna wejiga uga shubay aashito ayada oo huruda, isaga oo kadibna xaday teleefonkeeda.  

Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Ciraaq ayaa lagu sheegay in Golaha Garsoorka Sare ee Ciraaq uu Khamiistii ku dhowaaqay inuu socdo baaritaan lagu sameynayo dhacdadan. 

Aabaha Maryam ayaa ka codsaday Golaha Garsoorka inay si dhab ah u qaataan kiiskan oo ay ahmiyad siiyaan in lala xisaabtamo ninka weerarka geestay. Wuxuu sidoo kale ka hadlay caqabadaha ay wajahday Mariam tan iyo markii weerarka lagu qaaday.

Kumanaan qof ayaa taageero u muujiyey Maryam ayaga oo baraha bulshada ka billaabay hashtag ah “Badbaadi Amiirad Maryam.”

Waxaa sidoo kale Khamiistii la billaabay bog GoFundMe ah oo lacag loogu ururinayo Maryam si caafimaad dibedda Ciraaq ah loogu qaado, waxaana markii aan warbixintan daabacnay uu mareyey $24,400.  

Sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, rabshadaha qoyska ayaa saf-mareen ka ahaa Ciraaq 2020, oo ay ku jiraan dilalka ay haweenka iyo gabdhaha u gaysteen qoysaskooda iyo seygooda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii