Guddiga doorashooyinka oo dalab deg deg ah u diray qaar ka mid ah maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyika heer federaal ayaa ka dalbaday dowlad goboleedyada HirShabelle iyo Puntland inay si deg deg ah u bilaaban doorashada Golaha Shacabka, xili ay ku gadaaman yihiin mad-madow badan.

Afhayneeka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale labada maamul ka dalbaday inay cadeeyan caqabadaha haysta ee ay u bilaabi la’yihiin doorashada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlaha doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka ay si dar-dar leh uga socdaan dalka, islamarkaana dhawaan la dooran doono Xubno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxa uu intaas kusii daray in waqtigii loo qabtay Maamulada dalka inay ku bilaaban doorashada uu dhamaaday, islamarkaana uu jadwalka doorashadaas uu yahay mid gaba-gabo ah.

Waxaa horay u bilaabay doorashada Golaha Shacabka dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo kuwa Gobolada Waqooyi, halka Jubbaland iyo kuwa Beelaha Banaasiriga ay soo saareen liiska kuraasta ay doorashadooda qabanayaan.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota, xilli si adag looga horyimid hanaankeeda, ayna qaadaceen Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in la hakiyo doorashada, inta la saxayo qaladaadka jirra.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii