Xubnihii laga eryey guddiga xalinta khilaafaadka oo amar deg deg ah lagu soo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ka saaray 7-xubnood oo guddoomiyihii uu ku jiro, ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale uu bixiyey amar ah in laga saaro Hotelkii ay dejisay dowladdu.

Hotelkaas oo lagu magacaabo Shabeel oo xarun u ahaa guddiga waxaa la sheegay inuu tegay wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur oo ciidamo wata, isagoo xubnihii laga saaray guddiga u qabtay saacado kooban inay uga guraan Hotelka.

Amarka ah in xubnahaas laga saaro Hotelka waxaa la sheegay inuu bixiyey Ra’iisul  Wasaare Rooble, oo isagu gaaray go’aankii guddiga xalinta khilaafaadka looga saaray todobadaas xubnood.

Xubnaha laga saaray guddiga ayaa qodob ka mid ah war-saxaafadeed ay ku diideen inay aqbalaan go’aankaas waxay ku cambaareeyeen hanaankii uu ula dhaqmay wasiirka Cabdullahi Maxamed Nuur, oo sida ay sheegeen u geystay handadaad, una qabtay laba saac inay uga guuraan hoteelka.

“Guddigu waxuu si gaar ah uga xunyahay una cambaareynayaa hanaankii argagaxa lahaa ee wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur uu ula dhaqmay xubnaha guddiga, kadib markii uu xarunta guddiga lasoo galay ciidamo hubeysan, isagoo xayiraad, handadaad iyo cagojugleyn u geystay xubnaha guddiga, kuna amray inay hal saac gudihiis uga guuraan xarumahooda, hadii kale ay muteysan doonaan ciqaab xarig ah, taas oo xadgudub ku ah xasaanada xubnaha guddiga, sharaf dhacna ku ah XFS,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xubnaha laga eryey guddiga.

7-da xubnood ee shaqada laga eryey waxaa kamid ah guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo shalay shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay gudashada shadooda kala kulmayaan culeysyo siyaasadeed, isagoo golaha wadatashiga qaranka iyo midowga musharaxiinta si isku mid ah uga dalbaday in lagu kalsoonaado qaabka ay u gudanayaan howshooda, isagoo ku dooday inay heystaan madax-banaani buuxda oo garab gaar ah aysan daacad u aheyn.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii