Mucaaradka oo ka hadlay wada-hadallo la sheegay inay la fureen FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka soo baxay ee sheegaya inay wada-hadal la fureen madaxweyaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Cabdiraxmaa Cabdishakuur ayaa been abuur ku tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay wada-hadallo kala fureen Farmaajo muddo kororsi iyo dhismaha dowlad wadaag ah.

“Waa dacaayad, warkaas wax ka jiro malaham, ciddii wax ka doontaa madaxwayne xilkiisu dhamaadey waa iyadda oo booli doonatay,” ayuu yiri xilli uu wareysi siiyey Telefishinka Universal.

Warsame oo rumeysan in shacabka Muqdisho ay ugu dul qaateen maamulka Farmaajo inuu sii joogo isagoo muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba aqbali doonin doorasho boob ah.

“Dulqaadkeena iyo dulqaadka dadka caasimada waxaa kamid ah in madaxweyne aan sharciyad haysan uu wali canshuurtii qaadanayo, ciidankii xukumaayo oo uu iska fadhiyo; waana ayaan darro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdshakuur.

Hadalka kasoo baxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen  warar sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu wado qorsho lagu heshiisiinayo madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale beeniyey in Midowga Musharaxiinta uu haatan ku kala qeybsamay qadiyadda la xiriirta boobka doorashooyinka ayaa soo bandhigay laba qodob oo la dhaqan-geliyo aysan sii jiri doonin musharaxiinta.

Labadda qodob ayuu ku kala sheegay; in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo in doorashadda noqoto mid daahfuran oo la tartami karo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii