Villa Somalia oo war kasoo saartay diyaradaha drone ee la sheegay inay siisay Turkey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa beenisay inay Turkiga weydiisatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee nooca Drones-ka ah.

Agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Turkiga uu Soomaaliya siinayo diyaarado dagaal, kadib markii warar sheegaya lagu baahiyey baraha ay bulshada ku wada xariirto ee Internet-ka.

“Maya, anigu kuu xaqiijin maayo taas, warkaasna ma jiro,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in kulankii ay yeesheen Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya iyo Turkiga kaliya looga hadlay arrimaha amniga iyo xoojinta taageerada ay xukuumadda Ankara siiso mida Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Turkiga ayaa ah dal saaxib dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa arrimaha ciidamada iyo sidoo kale bani’aadanimada.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku sugan yahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qeyb-galay shirweynaha iskaashiga Turkiga iyo Afrika, isaga oo madasha ka sheegay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee yaalla Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii