Maxaa laga yiri arrintii yaabka laheyd ee ay sameysay kooxda Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ayaa shalay waxaa kasoo hor muuqday oo la geeyay 32 qof oo loo heysto Shabaabnimo, kuwaasi oo u badan carruur aan qaan-gaarin.

Sidoo kale kooxdaan waxaa ku jira rag waaweyn oo qaarkood hoggaaminayey caruurtaan ah Shabaab u qorsheeyeen inay ka dagaalamaan dhulka Galmudug iyo HirShabeelle.

Inta u dhaxeysa deegaanka Basra iyo degmada Afgooye ayaa lagu qabtay gaadiidkii waday raggaan caruurta u badan oo aan hubeysneyn.

Al-Shabaab ayaa doonayey inay dadkaan u gudbiyaan deegaanada ay ka dagaalmayaan, iyagoo ka dhigaya shacab, balse waxaa ogaaday oo qabtay ciidan ku sugnaa jiinka wabiga, aagga deegaanka Basra.

Carruurtaan ayaa soo bandhigay xogo naxdin leh oo muujinaya sida ay Shabaab dabka ugu shubayaan carruur aan dagaalami karin, sidoo kale waalidiintood ayey sheegeen caruurtaan in laga soo dhacay.

Sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Khadar Maal: “Markaa maxaa ciyaalka maxkamada laga keenay maa meel dhaqan celin ah la geeyo oo la waaniyo way yar yar yihiin oo waanaga way qaadanayaan.”

Safiyo Maxamuud ayaa isna waxa uu yiri :Masha Allah dowladda dadaalkeeda Allaha la garab istaago.”

Fa’iisa ayaa sidoo kale waxay tiri “Wejiga dhabta ah ee Al-Shabaab waa kaas.”

“Waxaan maqli jiray caruurta iyo dumarka ayey kaxeeystaan laakiin hadda waa ay ii cadaatay midaasi,” ayuu yiri Keynaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Saciid Ibraahim ayaa isna waxa uu yiri “Waxaan qabaa ilmaha yar yar in dhaqan-celin loo sameeyo maadaama maskaxda laga xaday.”

Ruun Sagaal Geed ayaa waxay tiri: “Waa la soo qasbe safadaha dambiga fududeeyo ha loo fiiriyo caruurta.”