Maxay QM iyo EU ka yiraahdeen magacaabistii R/Wasaare Saacid?

Wakiilada QM iyo Midowga Yurub u qaabilsan Somalia, ayaa hambalyo ka diray magacaabistii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ee Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Michele Cervone d’Urso iyo Augustine P. Mahiga, ayaa sheegay in magaaabista Mr. Saacid ay caawimaad ka geysan doonto dib u dhiska iyo maamul wanaaga dalka ku yaalla Geeska Africa.

Waxa ay sheegeen in ay Saacid u rajeynayaan inuu ku guuleysto xilkiisa.

Michele oo ah wakiilka EU-da ee Somalia ayaa sheegtay in ururka ay matasho uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Mr. Saacid iyo dowladda cusub ee uu soo dhisi doono, oo ay sheegtay inay fileyso inay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Sidoo kale Mahiga ayaa sheegay in magacaabista Saacid ay iminka aadi doonto baarlamanka Somalia, si loo ansaxiyo.

Ergeyga QM ayaa sidoo kale ku amaanay madaxweyna Xasan Sheikh inuu wada tashi dheer oo uu dhinacyo badan la yeeshay ka sameeyay magacaabista Saacid, ka hor inta uusan ku dhowaaqin.

Waxa uu ballan qaaday in xafiiska QM ee Somalia uu si dhow ula shaqeyn doono Saacid iyo xukuumadda cusub si ay uga gudbaan caqabadaha hor yaalla.