Tan iyo markii magaalada Muqdisho ay kaga dhawaaqeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradooda lagu sheegay 130 in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud uu xilka isaga dago, waxaa soo baxayay baaqyo kala duwan oo lagaga jawaabayey dhawaqa xildhibaanadaasi ka yimid.
Shabakadda Caasimada Online, ayaa soo uruurisay dhowr ka mid ah aaraa´da arrintan ay ka qabaan shaqsiyaad waxgarad ah, waxaana aragtidoodu tahay siddatan:-
Maxéd Xassan Buurane, Muqdisho-Soomaaliya
275-ta xildhibaan ee baarlamaanka ku jira horta ma ogyihiin waajibaadka ay xambaarsan yihiin.? Haddii ay ku dhaqmayaan waxa dastuurka ku qoran, arrinta ah madaxweynuhu ha is casilo waa arrin aan dastuurka meelna ka soo gelin. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa lagu ridi karaa oo keliya Qiyaano Qaran, waxyaaba ay u soo daliishadeen xildhibaanada waa shaqadii laga rabay dowladda, iyaga ayey aheyd in ay dardargeliyaan la xisaabtanka xukuumadda, wax ka qabashada ammaanka, la dagaalanka muqus-maasuqa IWM. Madaxweynuhu waa astaanta Qaranka.
C/qaadir Xassan Cibaar, London-UK
Madaxweynaha waxaan leeyahay dheg ha u dhigin hadallada ka soo yeeray xildhibaanadaas. Xildhibaanadu iyaga ayaa Astaantii Qaranka u gefay waa iyaga in la maxkamadeeyo, waxey wasaqeynayaan beelihii u soo magacowday xildhibaanimada.
Fardowsa Xaashi Siciid, Geneva-Switzerland
Ragga mashrcuucan soo qaatay waxey kala yihiin Guure oo beesha Xawaadle ka soo jeeda, Kabaweyne oo H/gidir metelaya & Cosoble oo Abgaal ah. saddexdooda waxaa gadaal ka soo riixaya kuwii horay ugu fashilmay in ay carqaladeeyaan dowladda Soomaaliya ee qaswadayaasha loo bixiyey oo kala ah; Puntland, Jubbaland & dowladaha Kenya & Itoobiya oo basiin ku sii shubaya mushkilada Soomaaliya, waxey iska soo hormariyeen nimankaan oo ay yiraahdeen wax noo sii qasa, shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo waxaa looga baahan yahay in ay u midoobaan sidii ay dowladooda u difaaci lahaayeen, meelna uga soo wada jeesan lahaayeen daba-dhilifyadda.
Cabdirashiid Yuusuf Xassan, Muqdisho-Soomaaliya
Kuwa hadda meelaha ka qeylinaya waa dad socod barad ku ah siyaasadda, waana shaqsiyaad been loo sheegay oo la yiri haddaad ridaan Xassan Shiikh waxaad noqoneysaan Madaxweyne, waxaana ka mid ah Cabduqaadir Cosoble, waxaa la ilowsan yahay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo la qorsheynayo in xilkan loo magacaabo, ha ogaadaan kuwaas marka doorasho ay timaado baarlamaanka ayaa codeynaya, doorashadii u dambeysayShiikh Shariif wuxuu iska dhaadhiciyey inuu guuleysanayo waxaana ku dhacday dibirtii la ogaa.
Feysal Qaaje, Muqdisho-Soomaaliya
C/qaadir Cosoble waxaa dhegta loogu sheegay adigaa dumaalaya xilka, waxaa laga dhaadhiciyey maadaama Soomaaliya ay ku jiro xaalad gumeysi oo dowladihii ciidamada ku deeqay ay faragelin ku hayaan masiirka ummaddan iyaga oo isticmaalaya shaqsiyaad caada-qaatayaal ah, waxaa uu Cosoble aaminay in Xassan Shiikh uu beddeli doono waase nin riyoonaya. Beelaha ay shaqsiyaadkaasi u dhasheena waa ku fahmeen waxeyna leeyihiin magaceena ha wasaqeyninee dhagar qabayaal ayaad tihiin tuugadaas idinka oo keligiin ah ku biira qaswadayaasha
Cali Jaamac (Cali yare) Gaalkacyo-Soomaaliya
Cosoble, Guurre & Kaboweyne waxaa laga dhiganayaa baldoosar siyaasadeed oo la doonayo in jidka lagu fasho, waxaa jira rag tarbuunka fadhiya oo ciyaarta kor kala socda oo doonaya in ummaddan ay iyagu soo baaba’do, kuwa aaminsan haddii Xassan Shiikh uu meesha ka baxo idinkaa ku soo baxaya riyo ayey ku jiraan, waxaan oran lahaa tafaraaruqa iyo kursi ku daneysiga iska daaye ee meel uga soo wada jeesta inaad ummaddiina wax u qabataan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho