Sirdoonka SOMALIA oo laga helay xog xasaasi ah iyo xaaladda oo mareysa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo dhowr bilood kadib, ayaa waxaa soo xoogeystay khilaaf hareereeyay Hogaanka sare ee Taliska Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka, iyadoo ay isa soo tarayaan wararka la xiriira khilaafaadka ka dhex tolan Saraakiisha sar sare ee Nabad Suggida.

Khilaafaadkaan, ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Ku Xigeenadiisa oo 3 xubnood gaaraaya.

Tani, ayaa ka dambeysay ka gadaal markii General Bashiir Maxamed Jaamac lagu eedeeyay in uu isku koobay Xafiiska Shaqada, iyadoo Xarunta Nabad Suggida aan lagu arag muuqa Ku Xigeenada Taliyaha Nabad Suggida.

General Bashiir Goobe, ayaan wax wada shaqayn ah kala dhaxayn Ku Xigeenadiisa, taa oo qayb ka noqotay fashilka xagga ammaanka ah ee ka jira Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Caasimada waxay caan ku noqotay inaan gacanta lagu soo dhigin, oo Sharciga aan la horkeenin ragga falalka ka baxsan ammaanka ka geysanaaya, sababo ku aadan xagal daacin ka dhex jirta Hogaankii Sirdoonka ee Qaranka.

C/salaan Yuusuf Guuleed, Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Maxamed C/laahi Xaamud, oo ah Ku Xigeenada Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida, ayaan ka hawlgelin Xarunta Nabad Suggida ee Magaalada Muqdisho.

Marka Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida uu u amba baxaayo dalalka dibadaha, ayaa waxa uu Ku Sime ka sii dhigtaa Kaaliyaha Taliyaha Nabad Suggida Gaashaanle Khaliif Axmed Ereg, oo ehel la ah Wasiir Guuleed.

General Goobe oo Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, ku wehlinaaya booqashada uu ku jooggo Magaalada London, ayaa waxaad mooddaa in Ku Xigeenkiisu uu u aqoonsan yahay Ereg.

Khilaafaadka ba’an ee ka dhex aloosan Taliska sare ee Nabad Suggida, ayaa waxaa marar kala duwan la gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo laga soo xigtay in uu wax ka qaban doono.

Jananka ugu sareeyo Nabad Suggida oo xiriir dhow la leh Wasiir Guuleed, ayaa waxaa la sheegaa in Wasiirku uu Madaxweynaha gaarsiiyo ammaan ku aadan Bashiir Goobe, in si weyn u beegsanaayo nabadiidka.

Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/salaan Yuusuf Guuleed oo ku dhow dhow Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa jirta baaq uu labadaba u jeediyay, oo ah in ay samraan, oo ay dulqaataan intii muddo ah.

General Bashiir Goobe, ayaa xilliyada qaar la macaamila Maxamed C/laahi Xaamud, kaa oo leesla dhex maro in mararka qaar uu ka soo dhoweysto Cabdalla Cabdalla Maxamed & C/salaan Yuusuf Guuleed.

Ilo muhiim ah, ayaa sheegay in ay cirka isu shareertay wada shaqayn la’aanta ka dhaxeysa xubnaha ugu sareeya Taliska Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka, tiiyoo natiijadeeda laga dareemay Caasimada, oo lagu beegsanaayo Xubnihii Golaha Shacabka matalaayay.

Dadka qaarkii, ayaa su’aal iska weydiinaaya waxa indhaha uun looga daawanaayo khilaafka u dhaxeeya Taliskii Sirdoonka ee Soomaaliya, loogana shaqayn la’yahay, sidii leeskugu soo dhowayn lahaa amaba loo kala diri lahaa.

Si kastaba ha-ahaatee khilaafaadka ka dhex aloosan Saraakiisha sar sare ee Nabad Suggida, ayaa la dhihi karaa waxay qayb ka tahay, tallaabada ay Xildhibaanada Baarlamaanka, Dowladda Xasan Sheekh ugu dhaliilayaan mid fashilmatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com