80 qof oo KENYA ku dhintay kaddib…

Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 80 qof ayaa dhintay Kenya tobonaan dheeri ahna way indha beeleen ama way xanuunsadeen kadib markii ay cabeen khamri sumeeysan oo loo maleeynayo in uu ku dhex qasmay walxo kiimikaal, sidaana waxa Arbacadii (7-dii May) wariyay AFP.

Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Howlgallada Musiibooyinka Kenya ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtay in 80 qof ku dhinteen afar degmo, taas oo tiradii hore ee dhimashada kor u qaadday kadib markii ay dhibanayaashu kordheen.

Ilo wareedyo isbitaal ayaa sheegay in tobonaan kale la dawaynayo.

Qaar ayaa soo kacay iyaga oo indha la’ kadib markii uu seexiyay cabitaanka, sidaana waxa sheegay saxaafadda maxalliga ah, halka qaar kalena ay si tartiib tartiib ah u luminayaan aragga. Qaar ka mida dhibanayaasha ayaa ka cabanaya calool xanuun ba’an, arag xumo iyo awood yari guud.

“Waxan isku dayaynaa in ogaanno halkii uu ka yimid khamrigan,” ayay tiri afhayeenka bilayska Zipporah Mboroki. “Waxa socda baaritaanno waxana la qaadi doonaa saamiyo si loo hubiyo halka iyo sida loo diyaariyay.”

Ma cadda in dhimashada oo dhami ay ka timid hal khamri, laakiin dhibanayaasha ayaa ka yimid laba magaalo oo ku dhow Nairobi, iyo sidoo kale qaybo kale oo ku yaal bartamaha iyo bariga dalka.

Meelaha qaar khamriga waxa laga gatay baarar ruqsado leh, halka qaar kale laga gatay wadooyinka, ayay sheegeen mas’uuliyiintu.

Khamrada lagu sameeyo degaanka, oo inta badan laga sameeyo galleeyda iyo masagada la qamiiriyay, ayaa waxa aad u isticmaala saboolka, maaddaama ay qiime ahaan aad uga jaban tahay khamriga sida sharciga loo sameeyo loona iibiyo. Qaar ka mida dhibanayaasha ayaa cabitaanka dhigay isbitaallada ka bixiyay lacag gaaraysa illaa $0.30, sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ah.

John Mututho, oo ah madaxa Hay’adda Qaranka Kenya ee u Ololeeynta La-dagaallanka Ku-talax-tagidda Khamriga iyo Maandooriyaha, ayaa sheegay in hay’addiisu ay bilayska kala shaqaynayso sidoo loo soo heli lahaa shabakadda warshadaha iyo qaybiyayaasha khamriga sumaysan.

“Waa in tallaabooyin la qaadaa, dadkuna waa in ay qaataan mas’uuliyaddooda, bilaysku qaban mayo shaqadiisii,” ayuu yiri. “Waa musiibo in ay dhintaan dad intaa tiro le’eg; waxa ay ahayd arrin laga hortagi karay.”

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com