Somalia oo la cabsanayo (Halis cusub)

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo Somalia ku saabsan ayaa sheegeysa in inkastoo horumar laga dareemayay Somalia sanadihii dhowaa, hadana adankaasi uusan weli ka bixin mushkiladii heysatay.
 
Isbaheysi ay leeyihiin in ka badan 20 hay’adood oo kuwa gargaarka ah ayaa sheegaya in in badan oo ka mid ah mujtamaca somaliyeed ay musiibo qarka u saaranyihiin.

Warbixintan oo loogu wanqalay – Risk of Relapse: – Somalia Crisis Update oo macneheedu yahay halis ay Somalia ugu jirto inay dhibaatadii ay ka soo kabaneysay ay dib ugu noqoto – iyo wararkii ugu dambeeyay ee mushkiladda wadankaasi ka taagan – ayaa lagu sheegay – in xaaladaha wanaagsan ee hadda ka muuqda Somalia aysan ka dhigneyn guul laga gaaray mushkiladii wadankaasi la degtay.
 
Warbixintu waxey sheegtay in xaaladda nolol maalmeedka caadiga ah ee dadka ay tahay mid sii xumaaneysa.
 
Warbixinta waxaa lagu sheegay in ku dhawaad sadex malyuun oo qof oo Somali ah ay ku suganyihiin mushkilad bani aadnimo.
 
50,000 oo caruur ah ayey sheegtay warbixintu inay nafaqo darro ba’an heyso, in ka badan hal malyuun ay bara kac uga maqanyihiin guryahooda.
 
Tiradan ayaa marka la fiiriyo, waxey aad uga wanaagsantahay sidii ay xaaladu horey u aheyd , laakiin warbixintu waxey leedahay, ma haboona in horumarka lagu cabiro – heer aan gaarsiinen – heerka nolosha ee bani aadamku uu xamili karo .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com