Sawirka Kenyan lagu dilay PUNTLAND

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas xaley lagu dilay macallin Kenyan ah oo wax ka dhigaayay Machadka Fishing International of College.

Kenneth Mwanga, ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay xiisad uu dhigaayay, isagoona ku sugnaa bannaanka machadka, dabley ayaa toogtay isla markiina waa ay baxsadeen.

SAWIRKA KENYAN xalay lagu dilay PUNTLAND
SAWIRKA KENYAN xalay lagu dilay PUNTLAND

Yacquub Maxamed Cabdalle, waa guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo, wuxuu saxaafadda u sheegay in ragga toogtay macallinka reer Kenya in ay baxsadeen balse ay wadaan baaritaano ku aadan siddii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha.

Wuxuu sheegay in meydka macallinka loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Macallinkan oo laga keenay Kenya ayaa la geeyay Puntland bishii September sannadkii 2013-ka, xilligaas oo machadka la furay, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Gaalgacyo.

Bishii April ayaa nin hubeysan wuxuu garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku toogtay labo nin oo caddaan ah oo u kala dhashay Britain iyo Norwey, kuwaasoo u shaqeenaayay QM.

10-kii sanno ee la soo dhaafay waxaa Somaliland iyo Puntland ku qulqulaayay Kenyan fara badan kuwaasoo wax ka dhiga iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla halkaas, waxaa kaloo jirra kuwa u shaqeeya hey’addaha gargaarka.

Ma cadda dilka macallinka Kenyaanka ah in uu ku lug lee yahay dhibaatada iyo tacadiga lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com