Sawirro: Siilaanyo: “Xasan Sh. waa nin ku cusub siyaasada oo dhallinyaro ah”

Hargeysa (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa maanta oo Arbaca ah jeediyay khudbadii afaraad ee dastuuriga ahayd taasoo uu jeediyay labada golle ee baarlamaanka Somaliland.

Wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo xiisadda ka taagan degmada Taleex ee gobalka Sool.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa labada golle u qaybiyay buugaag ay ku qoran yihiin dhammaan heshiisyadii Somaliland iyo Soomaaliya ee ka dhacay London, Dubai iyo Turkiga.

Khudbadda madaxweyne Siilaanyo ayaa qaadatay 22-daqiiqo, waxaana,wuxuu labada golle baarlamaanka ee kala ah guurtida iyo wakiiladda ka codsaday in wixii la qaatayn ah ay meel mariyaan wixii kale ee wax u dhimmaya qarannimada in ay ka saaraan.

1511011_562474010533123_2530572691405355790_n

Siilaanyo oo u jawaabay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan ka hadlay xiisadii ka taagneed Taleex, isagoona Xasan Sheekh sheegay in dowladiisa ay door ku lahayd daminta xiisadaas oo ay ku dagaallami lahaayeen Puntland Somaliland, si toosna uu isaga xiriir u la sameeyay madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland.

Siilaanyo waxaa kaloo uu weerar ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isagoona ku tilmaamay nin dhallinyaro ah oo siyaasadda ku cusub.

“Waxaan maalmahan aad warbaahinta aad kala socotayn hadal uu shegeay madaxweyne Sheekh iyo in aan warqaddo iyo xiriir uu noo dhexeeyo, haddii uu wax qabad ka dhigtay warqaddii tahniyadda ee aan u diray, ma jirto wax igu qasbaya in Xasan Sheekh aan kala hadalno xudadaha waddankeena, kaliye waxaa noo dhexeeya wadahadal adduunyada ay noo dhexeey, waxaan lee yahay si nabad galyo ma u baqoolnaa”

Wuxuu yiri oo kale:- “Madaxweynaha Soomaaliya wuu ku cusub yahay siyaasadda waa dhallinyaro, waa nasiib darro arrintaas in uu ku hadaaqay”

Baaq uu u diray beesha caalamka

Madaxweyne Siilaanyo ayaa baaq u diray beesha caalamka isagoona yiri waa in aad aqoonsataan Somaliland, iyadana waxa ay idiin ballan qaadeysaa in ay idin kala shaqeyso la dagaallanka argixisada iyo burcad-beeda ee ka dilaacday Soomaaliya.

“Beesha caalamku waxaan diyaar la nahay in la wadaagno danaha la lee yahay sidda ammaanka, la dagaallanka burcad-badeeda iyo argagixisada” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay madax banaanidda Somaliland iyo jihada siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ku socoto ay tahay mid ku salaysan ictiraaf raadinta Somaliland.

“Illaahay mahaddii, Somaliland waa Dawlad ku timi rabitaanka bulshada, dadkeedu aqoonsanyahay, dadkeedu illaashanayo, buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo, waa hubaal dunidu way inala macaamishaa, waanay ina ixtiraamtaa balse inama aqoonsan weli”ayuu yiri Siilaanyo.

Muxuu ka yiri xiisadda ka taagan Taleex?

Mar uu ka hadlaayay xiisadda ka aloosan Taleex wuxuu carabka ku adkeeyay in Taleex uu hadda ku sugan yahay wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

Wuxuu sheegay Taleex in ay ka mid tahay dhulka Somaliland cid laga yeelaayo in aaney jirin.

1506760_562474093866448_1601109739440558875_n

10177972_562473867199804_7949785288036293827_n

10259901_562474923866365_3250638099927045782_n

10294362_562473870533137_3690884662760658557_n

1797387_562474800533044_6658862058829681077_n

1013877_562474350533089_1261651840984294140_n10303965_562474410533083_3280575890570430243_n

10308563_562473847199806_5665619391991479153_n

10313585_562474730533051_7613641170070847452_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com