Xildhibaannada beelo gaar ah oo xalay shirqool ku diyaarinayey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayaa waxaa xalay ka dhacayey kullamo gooni gooni ah, oo ay lee yihiin qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka Somalia ee doonaya in la rido madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada xalay kullamada ku lahaa qaar ka mid ah hoteelada Muqdisho, ayaa u badnaa kuwa beelaha daarood, gaar ahaan kuwa Kablalax, si ay taageero badan ugu raadiyaan dadaalkooda ka dhanka ah madaxweyne Xasan.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay soo baxday in qaar ka mid ah 130-kii xildhibaan ee saxiixay warqaddii is-casilaadda looga dalbay madaxweynaha ay ka laabteen go’aankooda.

Xubnaha ololaha ballaaran wada waxaa ka mid ah Xldhibaan Xiddig, Xasan Abshir iyo kuwa kale, oo sida la sheegay ay ka go’an tahay inay taageero u helaan qorshaha ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xildhibaannadan ay sidoo kale xiriiro la sameeyeen Puntland iyo Kismaayo, si qorshahan loo sii dhaqaajiyo.

Wararka ayaa sheegaya in toddabaadkii hore ay Muqdisho ku heleen lacag mallaayin dollar ah, si ay codad ugu iibiyaan qorshaha ka dhanka ah madaxweynaha Somalia.

Ujeedada xildhibaanada beelaha Kablalax ayaa lagu sheegay inay doonayaan in marka madaxweynaha Somalia la rido lagu beddelo nin ayaga ku hayb ah, waaba haddii ay ku guuleystaan’e.

Dad badan oo Muqdisho ku sugan, ayaa carro xooggan ka muujieyy carqaladda cusub oo ay xildhibaanadan ku hayaan dowladda iyo madaxweynaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com