Beesha MUDULLOOD oo go’aan adag ka soo saartay qaswadayaasha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelweynta Mudullood, ayaa go’aan iyo baaq adag kasoo saartay xaaladda cusub ee kusoo korartay siyaasadda dalka Somalia, iyo qaska cusub oo ay wadaan xildhibaanno u adeegaya dano beeleed, oo isku dayaya inay qaranka dumiyaan.

Bayaan kasoo baxay Golaha Wacyi-Gelinta Beelaha Mudullood, oo si gaar ah ugu socday Ugaaska iyo Imaamka Mudullood, Aqoonyahanka Mudullood, Haweeynka Mudullood iyo Bahweynta Mudullood, ayaa lagu cambaareeyey xubnaha qaska wada oo ay sidoo kale ku jiraan xildhibaanno Mudullood ah oo lagu adeeganayo.

“Dhambaalkaan wuxuu ku saabsan yahay in Mudullood uu garwaaqsado in duullaan xoog leh lagu soo qaaday, kaasi oo ay wadaan jufooyin dhowr ah oo aan magacyadooda mar kale ku shaacin doonno meesha arrintu mudan tahay. Laakin dhambaalkaan wuxuu si gooni uga hadlayaa garaad laaweyaal lagu adeegto oo kala ah CABDULQAADIR COSOBLE iyo CUMAR FINISH oo loo adeegsanayo fulinta himilooyinka gurracan oo ay QASWADAYAASHA maleegayaan si loo hakiyo habaasna lagu shubo horumarka aadka u baaxadda weyn ee ka socda Muqdisho” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaanka oo Caasimada Online lasoo gaarsiiyey.

“Haddaba, Mudullood waxaa la gudboon inay meel uga soo wada jeestaan dagaal aan loo kala harinna ku qaadaan QASWADAYAASHA kor ku xusan iyo kuwa soo adeegsaday loolana dhaqmo sida ay mudan yihiin oo ah cadaw raba ummadda oo dhan inay baabi’iyaan, wax dowlad la yiraahdana ay ka dhismin Soomaaliya… Mudulood hurdada ka kac”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com