Maxaa lagu xukumay xaasaska Al-Shabaab ee lagu qabtay gaarigii qaraxa siday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadsa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun kasoo saartay kiis loo heystay xaasaska rag ka tirsan Al-Shabaab, kuwaa soo la horgeeyay maxkamadda, isla-markaana dhageysatay eedda loo soo jeediyay.

Haweenkan iyo darawalka waday ayaa la qabtay 21-kii April ee sanadkan 2023-ka, xilli ay kasoo laabteen deegaanka Kunyo-barrow oo ay ugu tageen raggooda oo ka tirsan Al-Shabaab, waxay xilligaas kusoo dhaceen bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa NISA.

Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen haweenkan ayaa laga helay agabka laga sameeyo qaraxyada, sida moobeelo, diinamooyinka dabka dhaliyo, biro iyo fiilooyin.

“Gaariga Layla Calaawiga ah qalabka saarnaa wuxuu ahaa 69 moobeel oo niiclayaal ah, siddeed xirmo isteeg oo koola maastaro ah, 7 kashawiito, 5 bokis oo kaloofis ah oo marka waxyaabahaas la sameyn lahaa gacmaha la gashan lahaa ah, mid kamid diinamooyinka dabka dhaliya, biro iyo fiilooyin yar yar” ayuu yiri baaraha kiiska ee Maxkamada Ciidamada.

Intaasi kadib maxkamadda ayaa sideedii August Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa

Xukunka oo ugu dambeyn maanta soo baxay ayaa waxaa u dhacay darawalka baabuurka waday oo lagu magacaabo Yusuf Cali Nuune ayaa waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday.

Sidoo kale maxkamadda ayaa go’aamisay in Muqdisho aysan ka bixi karin 5-ta haweenka ah muddo laba sana ah, taas o ah ilku haynta Boliiska, axayna kala yihgiin Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi

Dhanka kale, maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Si kastaba, horay Maxkamadda Ciidamada ayaa sidaan oo kale u xukuntay haween iyo rag lagu helay inay la shaqeeynaayeen kooxda Al-Shabaab.