Maxaa loo diley Mucamar Al-Qadaafi? (Warbixin wax badan kashiftay)

“Ma doonayo in aan wadan kale ku noolaado anigoo Qaxooti ah, waxan ku dhashay halkan Liibya, waxaanna ku dhimanayaa Liibya. dalkani waxa uu ahaa lama deggaan waxaan u bedeley in aan ka dhigo wadan kaymo leh oo wax walba ka bixi karaan, ma jiro qof ka jecel wadankaan dadkii u dhashay oo ah liibiyaan. Haddii Maraykanka iyo Yurub idiin sheegaan iney idin jecel yihiin iska ilaaliya oo dareenkiinu ha sareeyo, waxa ay jecel yihiin waa Qaninimada wadankiina iyo Saliida ka buuxda ee ogaada idinka idin ma jecla” sidaas waxaa yiri Hogaamiyihii Liibya Mucaamir Al Qadaafi isagoo la hadlayey shacabkiisa, wax yar uun kadib markii uu bilowday duulaankii reer Galbeedku ku ekeeyeen dalka Liibya,  markaas oo ay soo baxeen wadamo u yaboohay iney magangelyo siinayaan. . Waxa uu intaas ku daray..

 “Reer Galbeedku waxay idinku boorinayaan inaad aniga ila dagaashaan, laakiin waxaa idiin wanaagsan in caqligiinu shaqeeyo oo aad iyaga la dagaashaan sababtuna waxa weeye waxay la dagaalamayaan Mustaqbalka iyo Horumarkiina” inta ka dib Mr. Qadaafi waxa uu fariin u diray Liibiyaanka iyo Reer Galbeedka..

“Farriinta aan u  dirayo shacbka Liibya waxa weeye reer Galbeedka oo ah Yurub iyo Maraykan waxay gacan idinku siinayaan  sidii ad ii dili lahaydeen hadaad awoodi weydaana waxaad ku bixineysaan lacag badan”.Farriinta aan u dirayo Yurub iyo Maraykana waxa weeye waad I dileysaan laakiin u diyaar garooba dagaal Argagixiso oo aan dhammaad lahayn sababtuna waxa weeye inta aydaan ogaan caqli xumadiina Argagixisadu waxay soo garaacaysaa albaabadiina”.

Sababta loo diley Mucaamir Al Qadaafi.

Waxa uu dalka xukumayey 42 sano, waxa uu xoog ku qabsaday dalka liibya 1969-kii, waxaana la diley 2011-kii. waxa uu ahaa Hogaamiye caan ka ah dalalka Carabta iyo Afrika, waxa uu ka dambeeyey Midowga Afrika, waxa uu bilaabay iney Afrikaanku xisaabtamaan, waxa uu ku haminayey in uu sameeyo Afrika oo miid ah, hal codna leh.si ay meel u saaraan wadamada reer galbeedka. Ka sokow wanaaga uu Afrika la damacsanaa, ila fiiri  waxaa uu u qabtay shacabka dalka Liibya, kuwaas oo ah xaqiiqdii waxa uu sababsaday……

  1. Ma jirin koronto lagu soo dalaco shacabka Liibya sababtoo ah koronto oo dhan waxay Muwaadiniinta Liibya u ahayd  lacag la’aan.
  2. Ma jirin Bangiyda Liibya wax dulsaar ah, sababtoo ah Bangiyada oo dhan waxaa lahaa Dowladda, daynta la qaatana muwaadiniinta waxay u ahayd dulsaar la’aan.
  3. In qofka helo guri waxay Liibya ka ahayd xuquuq uu Muwaadinku leeyahay, Qadaafi waxa uu wacad ku maray in aaney Waalidiintiisu guri helayn inta qof liibyaan ahi Hoy la’yahay.
  4.  Lamaane kasta Aqal galkooda koowaad waxay dowlada ka helayeen 60 kun oo diinaar oo u dhiganta 50 kun oo doolar.
  5. Waxbarshada iyo Caafimaadku waxay Liibya ka ahaayeen lacag la’aan. Qadaafi ka hor waxaa dalkaas wax qori karey oo Akhrin karey 25%, waxa uu gaarsiiyey garaafka 83% iney shcabka Liibya wax qoraan waxna Akhriyaan.
  6. Liibya Tabcashadu waxay ka noqotay wax lagu tartamo markii dadka la siiyey dhul ay beertaan, Guri Beerta ku dhex yaala, Qalab kala duwan, Miraha Abuurka iyo Xoolo nool oo dhamaantood Lacag la’aan.
  7. Qofkii Liibiyan ah oo dalkiisa Hooyo ku waaya Waxbarsho iyo Caafimaadka uu rabo  Dowladu waxay u diri jirtey dalka debediisa si qofkaasi u qanco.
  8. Haddii qofka Liibiyanka ahi damco inuu Baabuur gato dowladdu waxay diyaar ula ahayd iney ku kabto qiimaha 50%.
  9. Qiimaha Batroolka ama shidaalka  dalka Liibya waxa uu ahaa 0.14 Liitarkiiba.
  10. Liibya wax dayn ah laguma lahayn waxaana kayd u ahaa 150 Bilyan oo doolar, hadda lacagtaas oo dhan waa la xayiray.
  11. Haddii qofka liibiyanka ahi shaqo waayo marka uu Waxbarashadiisa soo dhamaysto, dowladdu waxay siineysey lacag u dhiganta intii uu ku shaqayn lahaa tan iyo inta uu shaqo ka helayo.
  12. Qayb ka mid ah lacagta laga helo saliida dalka liibya waxay toos ugu dhacaysey Akoonada Bangiyada Muwaadiniinta tasoo ah xaq hore la siiyey.
  13. Hooyada Umusha ilmo nool waxay heleysey 5 kun oo doolar taasoo  ah faa’iidada cunugga.
  14. Afartan xabo oo Rooti ah Qiimahoodu waxa uu Liibya ka ahaa 0.15 doolar.
  15. Waxbarashada marka laga hadlayo 25% shacabka dalka Liibiya waxay ka qalin jebiyeen Jaamacado kala duwan..
  16. Qadaafi waxa uu sameeyey Mashruucii ugu waynaa ee dhul Saxare ah looga dhigo dhul Tabcashada ku haboon iyadoo Biyaha meel walba la gaarsiiyey.

Ninka waxaas oo dhan u sameeyey shacabkiisa maamulkiisii waxa loogu yeeray “Dictatorship” Kali-Talis, haddii ay sidaas tahay maxaan ugu yeeri karnaa Hogaanka iyo Maamulka Dimuqraadiyadda? Si kastaba Lix sano ayaa laga joogaa Geeridiisa, waxaan oran karaa  waano ugu filan Liibiyaanka.

NB. Waxan u Mahadcelinayaa Dahabo Xaaji Ciise (Dahabo Dowlo) oo Warbixintan ii soo dirtay iyadoo Ingiriis ku qoran..

Waxaa Tarjumey . Cabdinasir Xersi Iidle

Tel. 00252-615503978

Mail. naasirx1@gmail.com