Maxaa looga hadlay kulanka Qoor-Qoor iyo Madeira?

Muqdisho  (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Madeira.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay muranka doorashooyinka oo xaalad cakiran ka dhaliyay dalka iyo sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga doorashada ee ka dhex taagan saamileyda siyaasada dalka.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan dadaalada lagu horumarinayo howlaha Amniga ee deegaanada Galmudug iyo kaalinta ay ka geysaneyso Midowga Afrika.

Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay culeyso dhanka amaanka ah, waxaana weeraro iyo falal amniga lidi ku ah ka fulinayay dagaalyahanada Al-Shabaab oo gacanta ku haya deegaano ka tirsan maamulkaas.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada doorashada, islamarkaana ay socdaan dadaalo ay beesha caalamka iskugu soo dhaweynayso dhinacyada isku haya doorashada, si uu u qabsoomo kulan xal looga gaaro xiisada taagan.