Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 28-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka Golaha ka yeeriyey liiska magacyada Xildhibaanada ka maqan kulanka Golaha gaar ahaan kuwa fasaxa rasmiga ah heysta iyo kuwa fasax la’aanta uga maqan.
Intaasi ka dib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ku muteystay soo xaadiritaanka kulamada golaha iyo shaqada uu ka qabtay guddiga uu ka tirsanyahay iyo sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ku muteystay wax qabadkiisa ku aadan arrimaha bulshada.
Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, waxaana warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha u faahfaahiyey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimow oo ka mid ah Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka.
Xildhibaannada ayaa intaas kadib waxa ay iyaguna ka doodeen qodobada hindise sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.
Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya inuu ku soo daro dooda iyo aragtiyada Xildhibaanada islamarkaana akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.
Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana xilligan adag golaha laga sugayaa inay meel mariyaan shuruuc muhiim u ah dalka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirat xilli xasaasi ah, waxaanaa taagan xiisad culus oo siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.


