27.4 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Shabaab diyaarinayay weerar is-qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawl-gal qorshaysan oo beegsi ah ka fuliyay deegaanka Buur Eyle ee degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay.

Hawl-galka ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo muddo lagu daba-socday, kuwaas oo diyaarinayay weerarro is-qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo lagu rakibay.

Natiijada hawl-galka, 22 dhagarqabe ayaa lagu dilay, waxaana la burburiyay dhammaan agabkii qaraxyada iyo gaadiidkii qaraxyada siday, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdasi ay qorshaynaayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab ayaa ka hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin.

Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab, oo ay wehliyeen saaxiibada caalamka, ayaa si nabadgelyo ah ugu soo laabtay saldhigyadoodii kaddib dhammeystirka hawlgalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadiyeen geesinimada, xirfadda, iyo feejignaanta Ciidanka Qaranka, iyagoo mar kale adkaynaya in hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtirayo khatarta Al-Shabaab, lana xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News