Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xiriirka dhawaan Israa’iil la samaysay Somaliland iyo xiisadda kala-go’idda Soomaaliya.
Sheekhu waxa uu khudbaddiisa kaga digay khataraha adduun iyo aakhiro ee ka iman kara in laga jeesto Muslimiinta, lana raaco ama loo janjeero Yuhuudda, isaga oo xusay in diintu si cad uga hadashay dhibaatada ka dhalan karta arrintaas.
Sidoo kale, Sheekh Umal ayaa carrabka ku adkeeyay in kala-jarka dhulka ay Muslimiintu degan yihiin uusan bannaanayn, isagoo tusaale u soo qaatay Soomaaliya oo ay dadka deggan wadaagaan hal af, hal diin, iyo dhaqan mideysan.
Waxa uu siyaasiyiinta ku booriyay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo kala qoqob bulsho.
“Shareecada Islaamka ma bannayn in dhul dad Muslim ah deggan yahay oo hal dowlad maamuli karto oo aan kala fogayn la kala qaybin karo,” ayuu yiri Sheekh Umal, isaga oo ku sababeeyay in ay dhici karto in cadaw soo dhex galo ama dhulkooda lumiyaan, sida Andalus ku dhacday.
“Aayado iyo axaadiith ayaa kusoo uruurtay in laga fogaado khilaafka iyo kala-taga,” ayuu intaa ku daray.
Sheekhu waxa uu si gaar ah uga digay kala-go’idda Soomaalida, isagoo ku tilmaamay arrin u eg tusbax go’ay, haddii dhinac laga raaco gooni-goosadka ay Somaliland raadinayso, taas oo uu sheegay in ay sababi karto kala daadasho ka sii ballaaran.
“Haddii aad dhahdid Somaliland ha go’do, maxaa diidaya in ay sii kala go’do? Irid furantay waaye, oo haddii aad taageertid ilaa waxa ay gaaraysaa in nin weliba reerkiisa uu gaar ka dhigto. Mar haddii sidaas ay imaan karto, ma bannaan,” ayuu yiri.
Sheekh Umal ayaa ku biiray culimada si cad uga horyimid faragelinta Israa’iil ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo xusay falal amakaaga ah oo ka dhashay arrintaan, sida calanka Yuhuudda oo lagu arkay Hargeysa iyo hadallo gef ah oo ay sheegeen shaqsiyaad qaarkood, iyo sida ay diinta Islaamku uga aragto soo dhoweynta Israa’iil.

