Sababta kororka dilalka argagaxa leh ee dadka is-qaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ku siman laba asbuuc waxaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah deegaanada dalka ka dhacay falal dil ah oo isugu jiray gubis, ceego iyo jarjaris, kuwaasi oo ay isku geysteen lamanaayaal is-qaba.

Dhacdooyinkaasi oo midba midda kale ka xanuun badneyd, ayada oo bulshadu aad uga argagaxeen in naceybka inaas le’eg uu ka dhex dhaco lamanayaal is-qaba oo dadka iskugu dhow.

Haddaba, Maxaa keenay arrintaan oo isku soo tarayaan xilligaan?

Dr. Shaafici Shariif Maxamed, Guddoomiyaha Ururka Cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrintaan ay sababaan dhowr arrimood oo ay qeyb ka tahay daroogada iyo maseyrka.

“Waxaa sababi kari waxyaabaha la xiriira daroogada, 1xbet ama qamaarka, stress ku dhaca dadka qaar, haddii ay ahaan laheyd hinaasaha iyo arrimaha dhaqaalaha,” ayuu Dr. Shaafici ku sheegay sababaha ka dambeeya dilalka argagaxa leh ee lamanayaasha is-qaba.

Dr-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay sii kordhisay baraha bulshada, “Qofka marka stress ku dhaco oo saacado badan ku jiro baraha bulshada waxyaabaha marka uu maqlo qofkaasi wuu sameeyay ee adigaba samee.”

Sidoo kale, Booliska Soomaaliya oo dhankooda ka hadlay kiisaska noocaan ah ee asbuucyadii dambe soo kordhayey ayaa sheegay in laamaha amniga ay baaris ku hayaan sababaha ka dambeeya.

“Baarista kiisaskan waxa kusoo aadiyay bal inay tahay mukhaadaraad, waxyaabaha maanka dooriya iyo inay yihiin xanuunada dhimirka ah waa wax baaristooda socota oo aanu dib kala wadaagi doono umadda,” ayuu yiri afhayeenka Booliska Mr. Doodishe.

Si kastaba, dilalka argagax leh ee lamanayaasha is-qaba ayaa asbuucyadii u dambeeyay kusoo badanayay dalka, gaar ahaan caasimada, ayada oo si weyn isu soo tareen tan iyo markii uu dhawaan soo baxay kiiska ninka xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.