28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxaa maanta ka socda magaalada Muqdisho? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta ka socda banaanbax wayn oo ay soo abuuleen culimada Soomaaliyeed, kaas oo looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay maamulka Somaliland.

Qaar kamid ah hoggaanka culimada Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa jeediyay khudbado ay uga hadleen dhibaatooyinka diimeed ee Yuhuudda ku yeelan karto dalkeenna haddii aan laga hortagin farogelinta ay ku hayso Soomaaliya.

“Culimada Soomaaliyeed maanta waxay sameynayaan bannaanbax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno mowqifka culimada ee ah ilaalinta midnimada ummadda.” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ujeedka ugu wayn ee Israa’iil uu yahay kala goynta dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in la’iska difaaco.

“Waxaa la socotaan xaaladda dalkeenna uu ku jiro, xaaladdaas oo ah weerar indho caddees ah oo ay nagu soo qaadeen Yahuuda oo doonaya inay dalka kala gooyaan, kuwaas oo ku dhaqaaqay tallaabo kasoo horjeedo qawaaniinta caalamiga ah” ayuu mar kale yiri Sheekhu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay gudan doonaan waajib diini ah, ayna u istaagi doonaan sidii oo difaaci lahaa midnimada dalka.

Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn soo saaray bayaan  ay uga soo horjeesteen damaca Israa’iil ee dhulka Soomaaliyeed, iyaga oo u digay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho loogu qabtay banaanbax ay soo qaban qaabisay dowladda, kaas oo looga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Si kastaba, Israa’iil oo 26-kii December ee sanadkii hore, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” ayaa weli sii wadda xagdubka ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana maanta ay wafdi uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Somaliland, tallaabadaas oo ay mar kale ka hortimid Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News