Kismaayo (Caasimada online) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta goboka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada, Ciidamo lixaad lehna lasoo dhoobay .
Wadooyika muhiimka u ah magaalada ayaa waxaa lagu soo daadiyay ciidamo badan oo ka tirsan maamulka KMG ah ee jubba Axmed Madoobana uu hogamyaha u yahay .
Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo xalay ku hoyday Magaalada Caasimada ah ee Nairobi Kenya ayaa iminka dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo
Isgaarsiinta Magaalada ayaa hawada laga saaray , iyadoona ay adgtahay inaad xog dheeraad ah ka hesho sida maanta ay wax u jiraan , waxaana jira Feejignaan iyo Cabsi dadka deegaanku ay muujinayaan
Saaka magaalada waxaa ka dhacay qarax miino nuuca dhulka lag aaso ah kaas oo haleelay gaari Iska-roge ahaa sababayna geerida laba ruux iyo dhaawca afar kal taas oo keenntay in ciidamada heegan buuxa ay galaan .
Maamulka magaalada Kismaayo wali wax faah faahin ah oo ku aadan Qaraxii saaka muusan bixi, sidoo kale kama ayasan hadlin qaban qaabada ku aadan imaatinka hogamigha maamulkaas , waxaase jira howlgal lagu doonayo in lagu soo qabto dadkii saaka qaraxa qasaaraha dhaliyay geystay.
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com