Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsigu hada waa xiran yahay laakiin ma dhamaadaan wararka xanta ahi, halkaan ka aqriso wararkii ugu dambeeyey ee Wargeysyada England ka qoreen.

Xanta toos ka ah ee suuqa la isla dhex maraayo.

Chelsea ayaa 28-jirka weerarka uga ciyaara Fernando Torres waxay siisay hal bil inuu kusoo laabto sidiisii hore, waxayna qorsheynayaan inay dalab u diraan 24-jirka weerarka uga ciyaara Metalist Kharkiv iyo xulka Brazil Taison hadii uusan bishaas isku muujin (Daily Mirror)

West Ham ayaa qorsheyneysa inay lasoo wareegto ciyaaryahanka garabka uga ciyaraAjax Miralem Sulejmani, oo 23 jir ah, ka dib markii uu xilli ciyaareedkaan kooxda boos ka waayey (Daily Mail)

Roma ayaa si kedis ah dalab ugu direysa 25-jirka daafaca midig uga ciyaara Newcastle Danny Simpson (Talksport)

Wakiilka 20-jirka qadka dhexe uga ciyaara Atletico Mineiro Bernard ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya inuu xidigaani wadahadal kula jiro Chelsea (Globo Esporto)

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa ku qalqaalinaya 17-jirka garabka ka ciyaara Raheem Sterling inuu kooxda qandaraas cusub u saxiixo, iyadoo Chelsea iyo Manchester City ay diyaar u yihiin inay lasoo wareegaan xidiga heerka caalami ee dalka England (Guardian)

Tababaraha kooxda QPR Harry Redknapp ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo weeraryahanka kooxda Marseille Loic Remy, balse 25-jirkaan ayaa xiiseynaya keliya koox ciyaareysa Champions League (Daily Mail)

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa isha ku haaya daafaca lagu qiimeeyo 3.5 milyan ee dalka Holland Stefan de Vrij, 20-jirkaan ayaa sidoo kale u ciyaara kooxda Feyenoord (The Sun)

Liverpool  aya sidoo kale indhaha la raaceysa ciyaaryahankii hore ee kooxda Leeds garabka uga ciyaari jiray Max Gradel, wuxuuna hada u ciyaara kooxda Faransiika ah eeSaint-Etienne, si la mid ah waxay doonayaan weeraryahanka kooxda Benfica Nolito (Daily Express)

Harry Redknapp ayaa Liverpool ka doonaya Joe Cole si uu QPR uga samata bixiyo dhibaatada ay dhex mushaaxeyso (Independent)

Luka Modric ayaa u sheegay xidiga kooxda Tottenham Gareth Bale inuu kula biro Real Madrid wuxuuna sheegay inay ku guuleysan karaan Champions League (The Sun)

Arsenal ayaa dooneysa inay dib amah ugu soo ceshato Thierry Henry bisha Janaayo, ayna lasoo saxiixato Wilfried Zaha iyo weeraryahanka kooxda Schalke Klass Jan Huntelaar (Daily Mail)

Xanta aan toos ka aheyn ee suuqa la isla dhex maraayo.

Tababaraha 49-jirka ah ee hugaamiya Real Madrid Jose Mourinho ayaa isha ku haaya inuu sutida u qabto Man City hadii shaqadaas laga raacdeeyo Roberto Mancini, xitta hadii uu tababarihii hore ee Chelsea afar sano oo heshiis ah ay kaga harsan tahay kooxda ka dhisan Spain (The Sun)

Kabtanka 31-jirka ah ee hugaamiya kooxda Manchester United Nemanja Vidic ayaa kusoo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa wuxuuna la qaadanayaa ciyaartoyda koowaad ee kooxda ka dib markii isbuucyo ka hor qaliin lagu sameeyey (Daily Mirror)

Hadii aad jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee suuqa la isla dhex maraayo naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.