Maxaa maslaxad oo Soomaaliya ugu jirta taageeridda xulufada Sacuudiga?

Inta aanan ka jawaabin su’aasha aan cinwaanka uga dhigay qormadeena ee oroneysa: Maxaa maslaxad oo Soomaaliya uga jirta taageeridda go’doominta ay Imaaraadka iyo xulafadiisu ku sameynayaan dalka Qadar ee muslimka. Aan marka hore waxoogaa ka warammo dowrka muuqda ee Qadar ay ku laadahay saaxada dowladiga, Gaar agaan mandiqadda Bariga Dhexe, Iyo kaalinta ay ka qaadato xalinta xilaafaadyada iyo nizaacaadka u dhaxeeya dadyowga ku nool Dunida oo waayadan aad mooddo in uu khilaafaadkoodu faraha ka sii baxayo.

Dalka Qadar, Ayaa cayaarayo dowr weyn oo aan la dhayalsan karin, Kaasi oo mararka qaar ka weyn xajmigiisa dhuleed iyo midkiisa dadeed, Gaar ahaan marka ay timaaddo xalinta khilaafaadyada iyo nizaacaadka u dhexeeya dalalka iyo shucuubta ku nool Caalamkan sii socda. Waxa uu sidoo kale dalkani cayaaraa dowr bini’aadamnimo, khaasatan sii denta iyo fududeynta dadyowga lagu qabsado goobaha ay colaadaha ka jiraan meeshay doonaanba ha ka soo jeedaane sida aad Adinkuba la socotaan.

Hadaba Iyadoo (Qadar) ka faa’ideysaneya dhaqaalaheeda baaxadda leh ee ay haysato, Ayaa waxa ay cayaartay dowrar muuqda oo lagu xalinayey khilaafaadyo soo dhexmaray dalal badan sida Jabuuti iyo Ereteriya oo kale, Halkaasi oo ay u dirtay ciidamo kala dhexgala dalalkaasi. Waxa ay sidoo kale ka qeybqaadatay xal u raadinta mishkilado ka aloosnaa gobolka Daafuur ee dalka Suuddan. Waxa ay sidoo kale Qadar ka qeybqaadatay soo deynta dad badan oo lagu qabsaday goobo ay colaadi ka jirtay sida Siiriya oo kale.

Dalkan yar, Ayaa mooddaa in uu go’aansaday in uu ka dhex muuqdo saaxada Caalamka, Isagoo ka faa’iideysanayo dhaqaalaha baaxadda leh ee uu leeyahay iyo waliba hogaankiisa ay kartida badani ka muuqato, Kaasi oo doonayo in uu dalkiisa u abuuro sumcad iyo ixtiraam weyn oo ka dhex muuqada saaxada dowliga iyo waliba mandiqadda uu dalkaasi ku yaallo, Oo runtii ay ku yaalllaan dalal waa weyn sida Sacuudiga, Turkiga iyo waliba Iiran oo kale, Kuwaasi oo Qadar ka dad badan, Islamarkaama ka dhul weyn.

Marka aad u fiirsato dowrka ay Qadar cayaareyso, Gaar ahaan qadiyaaadka la xariira Caalamka Carabta, kan Islaamka iyo waliba gacan ka geysasheeda la xariirta xalinta khilaafaadyada iyo nizaacaadka u dhaxeeya dalalka iyo Shacuubta Caalamka, Ayaad mooddaa in ay arinkaasi u soo jiidday in la colaadiyo. Tusaale ahaan, maxaa ka maqan Sacuudiga oo uu Qadar u colaadinayaa ? Sow ma’ahan maxaad nooga saameyn badatay Anagaaba kaa dhul weyne ? Ma danbi baa in la taageero Muslimiinta la dhibo ?  Ma jariimaa in si bini’aamdnimo ah loo soo dhaweeyo culimo iyo shaqsiyaad ka soo cararay digtaytaro iyo kuwa xukunka sharcidarad ku haysto  ?

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan cinwaan uga dhigay: Maxaa maslaxad oo Soomaaliya ugu jira go’doominta ay Imaaraadka iyo xulafadiisu ku sameynayaan dalka Qadar ee muslimka ? Arintan (qorista qormadan), Ayaa igu dhalatay ka dib markii aan maqlay siyaasiyiin Soomaali ah oo ku doodayo in la raaco Sacuudiga iyo xulafadiisa si loo ilaaliyo maxlaxadda Soomaalida oo ay sheegeen in ay ku jirto taageeridda Sacuudiga iyo xulafadiisa sida Imaaraadka oo kale ? Hadabo, Waa maxay maslaxadda Soomaaliya ugu jiri karta go’doomin lagu sameynayo dal muslim ah fii Ramadaan ?

Anigu, Runtii ma garanayo wax maslaxad oo ku jirta taageeridda go’doomin lagu sameynayo dal Muslim ah oo aan waliba waxba geysan marka laga reebo in uu taageero qadiyaadka Muslimiinta sida qadiyadda Falastiiniyiinta oo kale, Iyo waliba taageeridda uu u muujiyo kacdoonada ay sameynayaan shucuubta Carabta oo runtii ku daashay xukunka oo xoog lagu haysto iyo in la iska dhaxlo. Dadweynaha Soomaaliyeed, Ma waxa ay maslaxad u arkaan in la cunaqabateeyo shacab Muslim oo aan waxba galabsan ?

Maxaa ka fiican inaad dhexdhexaad ka noqoto walaalo is khilaafay oo heshiin kara waqti kasta maadaama ay ka dhaxeeyaan xiriir aad u weyn ? Maxaa kaloo ka fiican inaan dhexdhexaad noqoto si aad labada dhinac ugu baaqdo in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafaadkoodan laga hagayo meelo kale ? Tan kale, Dhexdhexaadnimadu miyaa laga fahmayaa inaad dhinac la safatay ? Sow dhexdhexaadnimadu ma’ahan inaad dhexdhexaad ka tahay labo dhinac oo ishayo ? Mise Af-Soomaliga ayaan la garaneynin ? Waa maxay dhinac hala raacadan la sheegayo ?

Tan kale, Aaway tacaaliimtii Islaamka iyo dhaqankii wanaagsanaa ee dadka Soomaalida ? Islaamku, Ma waxaa uu nafarayaa inaan wax walba ka fiirinno maslaxadeena gaarka xitaa haddii dad kale la dulminayo ? Dhaqankeennu, Ma waxa uu sheegayaa inaan nahay dad calooshooda u shaqeystayaal oo aan mabaadi’ lahayn, Islamarkaana aan xor ahayn ? Sacuudigu gar ma u leeyahay in uu isku xiro wax aan shaqo isku lahayn ? Dowladnimaduse ma sidaas bay u shaqeysaa ? Maxaa dadka loo bajinayaa oo looga dhigayaa in ay yihiin dad ku qasban in ay raacaan waxii loo yeeriyaba ? Aawayse isbadalkii 8-dii Feebaraayo ?

Anigu, Waxan runtii ka fahmay Siyaasiyiintii ku baaqday in la raaco Sacuudiga iyo xulafadiisa in ay yihiin dad aan macno badan lahayn, Islamarkaana aan diin iyo dhaqan midna xushmad u hayn. Waxaan kaloo ka fahmay in ay  yihiin dad aan lahayn qiyam insaani ah, Maadaama ay taageerayaan go’doomin lagu sameynayo shacab Muslim oo aan waxba galabsan. Waxaan kaloo fahmay in qofka muslimka ahi uu qiimo leeyahay, Gaar ahaan marka uu ixtiraamayo diintiisa iyo dhaqankiisa. Ma waxaa wax walba loo sameynaya dhismaha labada dekadood ee xun xun ? Aawayse diintii iyo dhaqankii iyo waliba qiyamkii insaaniga ?

Tan kale, Sow lama oga in Imaaraadka iyo xulafadiisu aysan ku wajahneyn Qadar oo qura, Bal ay sidoo kale ku wajahan yihiin dowladda Turkiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Ordogaan oo ay u arkaan Isaga iyo dowladdiisa iyo waliba nidaamka dimoqoraadiga ee uu ku soo baxay in ay caqabad ku yihiin xukunkoodan liita ee ay xoogga ku haysaan. Ma og tihiin in dowladahan aysan jeclayn nidaamka xukunka lagu kala wareego sida doorashooyinka oo kale  iyo waliba saxaafadda xorta ah ?

Anigu, Waxaan qabaa runtii in Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay go’aan wanaagsan ka qaadatay qadiyaddan, Loona baahan yahay in lagu adkeysto go’aankaasi shariifka ah ee ay taariikhdu xusi doonto. Waxaa kaloo qabaa in Dowladda Federaalka ay waftiyo u dirto dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Kuweyt iyo Masar, Si ay ugu sharaxdo go’aankeeda iyo waxa uu daaran yahayba iyo waliba sida ay u daneyneyso in khilaafkan lagu dhameeyo wadahadal iyo is-afgarad walaalnimo.

Gabogabadii iyo gunaanudkii, Haddii aan mar kale isweydiino: Maxaa maslaxad ah oo Soomaaliya ugu jirta taageeridda go’doomin lagu sameynayo dalka Qadar ee Muslimka ah ? Jawaabtu, Waxaan leenahay ma jirto wax maslaxad oo Soomaaliya ugu jirta in la taageero go’doomin lagu sameynayo shacab Muslim ah xitaa haddii ay noogu caroonayaan dalal uu Sacuudiga ka mid yahay sababtoo ah, Anigu waxaan nahay dal u madaxbanaan qaraaraadkiisa, Islamarkaana go’aanadiisa ku saleeya diintiisa iyo dhaqankiisa suuban. Ma nihin dad dhaqaalo ku badasha qiyamkooda xittaa hadii ay tabaryar yihiin.

Xusuusin: Qoramdeyda danbe, Waxaan kaga hadli doonaa qormo aan cinwaan uga dhigay: Faa’iido intee le’eg ayaa Dowladda Federaalka ugu jirta dhismaha maamul goboleedka Khaatumo iyo Maakhir State si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka ?

W/Q: Maxamed Ibrahim (Ragow)
Ragow1960@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid