Maxaa sababay dagaalka Suudaan dib uga qarxay?

Khartoum (Caasimada Online)- Dagaallo culus ayaa maanta dib uga qarxay caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum, kaddib markii uu dhamaatay waqtigii xabad joojinta ee dhinacyada is haya dalkaas ay ku heshiiyeen.

Xabad joojinta waqtigeedu dhamaaday waxaa garwadeen ka ahaa dawladaha Maraykanka iyo Sucuudiga.

Dad goobjoog ah ayaa soo weriyay inay soo dhacday diyaarad militeri oo ku dul burburtay Omdurman oo kamid ah seddaxda magaalo oo ay ka kooban tahay caasimadda weyn ee Khartuum.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay militeriga dalkaas oo lagu yaqiina adeegsiga diyaaradaha dagaalka tan iyo markii uu bilaawday dagaalka Suudaan.

Diyaaradaha ayaa toos u bartilmaameedsada saldhigyada ciidamada sida militeriga u tababaran ee RSF oo ah garabka awooda badan ee militeriga Suudaan kula dagaalamaya Khartoum.

Sucuudiga iyo Maraykanka ayaa sheegay inay isku dayayaan inay ku qanciyaan ergooyinka Militeriga iyo RSF ee jooga Jeddah in waqti dheeraad ah lagu daro xabad joojinta, waloow isku daygaas uu istaagay todobaadkii hore.

“Waxaa la isugu yimid wadaxajood diiradda lagu saaray sidii loo fududeyn lahaa gargaarka bini’aadanimo iyo sidii heshiis xiliga gaaban ah loo gaari lahaa, ka hor inta aanay dib u bilaaban wadahadallada Jeddah,” ayaa lagu yiri war wadajir ah oo ay saareen labada wadan.

Heshiiska xabad joojinta ayaa soo bilowday 22-kii bishii dhamaatay ee May, wuxuuna ku ekaa xalay fiidkii.

Meelaha dagaallada cusub laga soo weriyay maanta oo Axad ah waxaa kamid ah bartamaha iyo koonfurta caasimadda Khartuum iyo Bahri oo ku teedsan naylka buluugga ah illaa waqooyiga magaalada.

Dagaalka 7-da todobaad galay ee ka socda Suudaan ayaa barakiciyay 1.2 milyan oo qof, kuwaas oo ku barakacay dalkaas gudihiisa iyo 400,000 oo qof oo u qaxay wadamada dariska ah, halka boqolaal kalena ay dhinteen.