Maxaa sababay wer-werka Soomaalida ee ciidamada badda ee Itoobiya?

Bismilaah, Ayaamahaan danbe waxaa ay Soomaalidu isla dhex maraysay  warar kusaabsan ciidamada bada ee ay Ethiopia sheegatay inay dhisayso iyadoo ay walaac aad ahna ka muujiyeen inay Ethiopia kabaha u illanayso badaha Soomaaliya. Hadaba qormadaydaan yar waxay daarantahay arintaasi.

Ciidamada bada ee Ethiopia waxaa la asaasay 1955 waana la oranjiray emperial navy of ethiopia tani waxay ka danbaysay kadib markii ay qaramada midoobay go,aansatay in Eritrea lagu daro Ethiopia 1950.  waxaa xarun looga dhigay saldhiga ciidamada bada ee Haile Selassie I Naval Base oo ku yaalay magaalada musawac. ciidamadaas waxaana la baabiyey 1996 kadib markii ay Eritrea ka xorowaday Ethiopia sanadkii 1991. wixii intaas ka danbeeyey Ethiopia ma aysan lahayn ciidamo badeed laakiin  Itoobiya waxay yagleeshay macadka tababarka culuumta bada oo ku yaal Magaalada Bahir-dar aagga harada Taana, sanadkii wuxuu soo saaraa 500 oo injineer waxaana la rajayanaa in laga dhigo 1,000 engineer sanadkiiba. Hadaba si aan wax uga ogaano sababaha ay soomaalidu uga walaacsanyihiin hadalkii Dr.Abiy axmed-ka Ethiopia ee ahaa waxaan dhisaynaa ciidamo badeed oo ay Ethiopia yeelanayso waxaa muhiima inaad lasocto qodobadan;

  • Ethiopia waxay heshiis horumarina lagashay dalka Sudan si ay u horumariso dekada port sudan waxayna labada wadan isku raaceen in ethiopia saami ku yeelato dekada sudan port.
  • Kenya iyo Ethiopia waxay ku heshiiyeen dekada lamu port in ethiopia lagu wareejiyo si ay u dhisato una maalgashato waxna ugala soo dagto.
  • Djibouti waxay kala saxiixdeen heshiis aad u mugwayn oo ku salaysan isticmaalka dakada jabouti saamina ay ku yeelato Ethiopia iyo wax is dhaafsi korantada ethiopia dhismaha pipline-ka qaadidoona shidaalka laga soo saaridoobo gobolka somalia ethiopia, hormarinta secrtor-ka beeraha ee jabuuti iwm.
  • Somaliland ,Ethiopia iyo UAE ayaa iyana heshiis wada galay kusaabsan dekada Berbera inkasta oo dawladda somaliyeed gaashaanka u daruurtay arrintaas kuna tilmaantay sharci darro iyo waxba kama jiraan.
  • sida aanu wada ognahay Ethiopia waxay leedahay haro aad u wayn( Tana) iyo wabiyaal fara badan.

Hadaba markaynu intaas ogaanay waa maxay sababaha wadan aan bad lahayn ku kalifa inuu ciidan badeed samaysto?? Intaanan sua’ashaas ka jawaabin bal aan eegno wadamo badan oo addunka ah oo aan bad lahayn ama bad leh laakiin badaasi aysan ku xirin marin caalami ama badawayn;wadama caynkaasa waxaa loo ixtimaalaa inaysan bad lahayn oo ay yihiin “landlocked” sida azerbijan, kazekhistan turkminstan, mangolia, laos, Rwanda, uganda paraguay iyo qaar kaloo badan.

Hadaba markaan u nimaadno sababaha keena in wadaan aan bad lahayn ama leh laakiin aysan badiisu kudarsamin badwayn waxaan ka tilmaami karnaa dhawr qodob;

  • In jidadka wadaansi ay yihiin kuwo aan wanaagsanayn isla markaasna isticmaalka haro ama wabi ay tahay sida ugu sahlan ee ciidamada dhaqdhaqaaqooda fududayn karta.
  • In webi ama Haro ay ku taal xuduudka wadankaasi la leeyahay jaarkiisa
  • In muran uu jiro muran ama khilaaf ku saabsan lahaanshaha haro webi ama sida looga faaiidaysanayo

marka aad eegto sababahaas iyo kuwa kale oo kusaabsan dekadaha ay Ethiopia saamiga ku yeelatay ee bariga Afrika oo aan laga maarmayn inay ciidan iyo calafba gayso halkaas waxaa kuusoo baxaya in tuhunka aadka u wayn ee soomalidu muujinayso aanu meesha ku jirin ee ay tahay duruuf ay Ethiopia ku khasbanaatay si ay horumar dhaqaale u gaarato. Ummada Soomaaliyeed waa in ay  ogaadaan inay wadanka iyagu leeyihiin go,aankiisana leeyihiin cid aan dawalada soomaliyeed ogolaansho kahaysana  xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ahi qabanayaan oo aan cid qabsan kartaa dhulka iyo badda soomaaliyeed jirin.

W/Q: Abweli Yusuf Alidhoof
Gmail: Abdiyusef001@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid