29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Maxaa ka ogtahay lacagta ay madaxda caalamka mushahar ahaan u qaataan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan soo baxay Mushaarka ay sanadkii qaataan Madaxweynayaasha iyo Ra’isul Wasaarayaasha Wadamada hor-u-maray.

Liiskan hoose, waa Mushaarka ay qaataan Madaxweynayaasha iyo Ra’isul Wasaarayaasha Aduunka ugu caansan.

  1. Barack Obama:Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa hogaaminaya Liiskan Madaxda ugu Mushaarka badan aduunka, Obama waxaa uu sanadkii qaataa lacag dhan $450,000.
  2. Stephen Harper: Ra’isul Wasaaraha Canada, waxaa uu sanadkii Mushaar ahaan u helaa lacag dhan $260,000.
  3. Angela Merkel:oo ah Ra’isul Wasaaraha Jarmalka waxaa ay sanadkii heshaa lacag dhan $234,383.
  4. Jacob Zuma:Jacob Zuma Madaxweynaha Koofurta Afrika, waxaa uu saladkii qaataa $223,500.
  5. David Cameron: Ra’isul Wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron , waxaa uu qaataa 214,782 oo Ra’siul Waarnimada kusoo gasha iyo £67,060 oo uu Xildhibaanimo ku helo.
  6. Shinzo Abe:Ra’isul Wasaaraha Japan Shinzo Abe, waxaa uu qaataa sanadkii lacag dhan $202,700.
  7. Francois Hollande:Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande waxaa uu sanadkii Mushaar u helaa $194,251.
  8. Vladmir Putin:Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin oo dalkiisa dhaqaalo dari ka jirto, waxaa uu sanadkii qaataa lacag dhan $136,000.
  9. Matteo Renzi:Ra’isul Waraaha Talyaaniga Matteo Renzi waxaa uu sanadkii helaa aduun lacageed oo dhan $124,600.
  10. Dilma Rousseff :Madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff waxaa sanadkii heshaa lacag dhan $120,000.
  11. Narendra Modi:Ra’isul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi waxaa uu sanadkii Mushaar ahaan u qaataa $30,000.
  12. Xi Jiping:Shiinaha waa wadanka labaad ee aduunka ugu dhaqaalaha badan, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jiping waxaa uu sanadkii qaataa lacag dhan $22,000 oo kaliya.

Liiskan kuma jiraan, Madaxda Wadamada Dunida sedexaad, Inta badan badan Wadamadaas lama ogaado inta ay qaataan Madaxdooda, waxaana hareeya Musuq iyo wax isdaba marin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News