Xog: Maamullada ay DF la gashay dagaalka dhaqaale iyo maamulka ku faa’iiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal dhaqaale oo wayn ku qaaday qaar kamid ah maamullada dalka, gaar ahaan kuwa ay isku hayaan arrimaha siyaasadda, sida Puntland iyo Somaliland oo hadda xiisaddoodu ay gaartay meeshii ugi xumayd.

Dowladda dhexe ayaa qaaday tallaabo ay ku beegsatay labadan maamul, waxayna ka jartay miisaaniyaddii ay ku kabi jirtay Garoowe iyo Hargeysa, sida uu shaaciyay Aqoonyahan Guuleed Wiliq oo ah falanqeeye ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha dalka.

Guuleed Wiliq oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay hoos u dhigtay lacagihii ay siin jirtay labadaas maamul, sababo la xiriira hoos u dhac dhaqaale iyo khilaafka siyaasadeed ee xilligan kala dhexeeya.

Waxa uu tilmaamay in sanadkii hore Puntland la siiyay 20 milyan, balse hadda kabka ahaan loo siiyay 6 milyan oo kaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacaga loo kordhiyay Jubbaland iyo Banaadir oo iyagu lasiiyay lacago ka badan kuwii ay qaateen sanadkii hore.

“Lacagihii kabka ahaa ee lasiin jiray Puntland iyo Somaliland hoos ayaa loo dhigay Jubaland iyo Gobolka Banadirna waa loo kordhiyay” ayuu yiri Aqoonyahanku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sanadkan Puntland waxaa la siiyay 6 milyan, Jubbaland waxaa la siiyay 17 milyan, Banaadrna waxaa la siiyay 28 milyan”.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in Somaliland la siiyay sanadkan 28 kun oo kaliya, taas oo ka dhigan in 100% laga jaray kabkii ay helin jirtay dowladda dhexe.

“Somaliland waxaa u maleysaa in 100% laga jaray waxaa la siiyay 28 kun oo kaliya halkii sanadkii hore ay qaadatay 13 milyan ” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday in dowladda federaalka ay wajaheyso culeys wayn oo ku aadan dhaqaale yari, uuna usii dheer yahay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya dhaqaale xumo ayaa hayso, dagaalka Al-Shabaabna waa ku jirtaa waxyaalahaas ayaa dhacay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Guuleed Wiliq.