Turkiga oo dib u bilaabayo tababarkii ciidanka Haramcad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa xiriirka dibadda ee ciidanka Booliska dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay taliye ku xigeenka Boolisla, Janaraal Zakiya Xuseen Axmed.

Sarkaalkan oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ujeedka safarkiisa, wuxuuna sheegay inuu yimid dardargelinta wada shaqeynta labada Boolis.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Turkiga ay si deg deg ah dib ugu bilaabi doonto tababarkii ay siin jirtay ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad.

“Sida ugu dhaqsiyaha badan waxaan bilaabeynaa tababarkii aan siin jirnau ciidanka Haramcad, waxaan rajeyneynaa inaaan dhawaan bilaawno” ayuu yiri madaxa xiriirka dibadda ee ciidanka Booliiska dalka Turkiga.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Madaxweynaha Turkiga uu si gaar ah u garab taagan yahay Soomaaliya, si ay uga gudubto marxaladda adag ee ay wakaheyso.

Safarka sarkaalkan ay soo dirtay dowladda Turkiga ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana dowladda federaalka ay dadaal ugu jirto xaqiijinta amniga Muqdisho iyo guud ahaan sidii dalka looga sifeyn lahaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Turkiga ayaa kamid ah dowlahadaha waa weyn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhis ciidamada qalabka sida ee dalka.