Jigjiga (Caasimadda Online) – Madaxweynaha cusub ee loo magacaabay Is-maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed (Ilka-case) ayaa ah wiil dhalinyaro ah oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha xilka banneeyay.
Axmed Cabdi Maxamed waa 32 sano jir isagoo dhashay sanadkii 1986, wuxuuna kasopo jeeda Beesha Ogaadeen, gaar ahaan reer Cabdulle; waxaana loo magacaabay xilka markii uu is casilay madaxweynihii DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo cadaadis ba’an uu saarnaa muddooyinkii ugu danbeeyay.
Madaxweynaha cusub ayaa hore u ahaa wasiirka Maaliyadda, wuxuuna si weyn ugu dhowaa madaxweynaha xilka banneeyay ee Cabdi Iley, isagoo wareysigii ugu horeeyay ee uu bixiyey ku sheegay inuu ku socon doono isbedello ballaaran oo uu hore ugu dhawaaqay Cabdi Iley.
Ninka dhalinyarada ah ee noqday madaxweynaha maamulka DDSI Axmed Cabdi Maxamed wuxuu sanadkii 1986 ku dhashay degmada Garbo ee Gobolk Fiiq, wuxuuna wax ku bartay jaamacadaha Diridhaba iyo Bahardar, isagoo markii ugu horeysay magaalada Godey ka noqday madaxa Maaliyadda.
Axmed Cabdi Maxamed wuxuu kaloo soo noqday duqa magaalada Qabri-dahare, isagoo xubin ka ah xisbiga ESPDP ee ka taliyaha dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna xilligan ahaa wasiirka Maaliyadda ee DDSI, iyadoo xilka madaxweynaha loogu magacaabay si KMG ah.
Cabdi Iley ayaa la sheegay in heshiiska uu la galay madaxda Itoobiya uu xilka uga degay, laakiin wuxuu sii joogi doonaa magaalada Jigjiga, isagoo sii ahaanaya guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Somali People’s Democratic Party.