27.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Maxaad kala socotaa qodobka gaarka ah ee uu Farmaajo ugu yeeray madaxda gobolada?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in shanta bishan uu kulan guud la yeesho Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka, oo uu Muqdisho ugu yeeray.

Kulankaan oo noqonaya midkii labaad ay  isugu yimadaan madaxda maamulada iyo Federaalka tan iyo intii doorashada Madaxweynahu dhacdey ayaa wararku sheegayaan in qabashadiisu ku timid kadib markii cadaadis kaga yimid Dowlada Farmaajo beesha caalamka.

Wararkaan ayaa sheegaya in beesha caalamka welwel ka muujisay kulan asbuucii lasoo dhaafey magaalada Muqdishu kula yeesheen Ra’isal wasaaraha Somalia xiriirka wada shaqeyneyd ee u dhexeeya maamulada Somalia iyo dowlada Fedraalka ah.

Xubnaha beesha caalamka ay horkacayaan Mareykanka iyo Ingriiska ayaa aad u daneynaya in dowada Federaalka iyo Maamulada hirgaliyaan qorshaha lagu dhisayo ciidamada Federaalka.

Qorshahaan oo lagaga hadlay kulankii lagu qabtey magalada London ayaa diirada saarayey in dowlada Somalia sanadka 2020 la wareegto amaanka wadanka iyadoo la filayo in beesha caalamka joojiso tageerada dhaqaale ee ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News