Mugabe oo deeqdii ugu yaabka badneyd siiyey Midowga Afrika

Beeralayda dalka Zimbabwe ayaa Midowga Afrika ugu deeqay kumanaan neef oo lo’ lagu qiimeeyay hal milyan oo doolar ka dib markii uu sidaa dalbaday madaxweyne Robert Mugabe.

Lo’da ayaa xaraash lagu soo iibiyey, Mr Mugabena wuxuu lacagta gacanta ka saaray Midowga Afrika. Deeqdan ayaa timid ayadoo Zimbabwe ay dhexda ka fadhido mushaakil lacageed iyo mid cunno.

Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu sheegay in lo’da badankeed ay ku deeqeen beeraley ka macaashay isbeddelada xagga dhulka.

Xilligii uu Mr Mugabe ahaa guddoomiyaha midowga Afrika 2015 iyo 2016, wuxuu u ololeeyey in midowga Afrika uu noqdo mid dhaqaale ahaan isku filan, kaasoo 60% miisaaniyadiisa ay ka timaado deeq shisheeye.

Deeqadan ayaa timid iyadoo Midowga Afrika uu ka baaraandagaya sidii loohubin lahaa in dalalka xubnaha ka ah ururka ay u maalgelin lahaayeen howlaha ururka.

Sannadkii hore, in ka badan 4 milyan oo qof ayaa baahi u qabay gargaar cunto, waddankaas ku yaalla afrika xaggeeda koofureed, ka dib markii aysan roobabku di’in.

Laakinse sannadkan ayaa waxaa u soo go’ay miro wanaagsan, wuxuuna waddanku rajaynayaa inuu isku filnaado markii ugu horraysay muddo sanooyin ah.

Mucaaradka ayaa ku dhaliilaya xukuumadda cunno yari, ayagoo sheegaya in barnaamijkeeda isbeddellada ee xagga dhulka uu baabi’iyey saricii beeraha.

Sicir bararka aadka u daran ayaa ku khasbay xukuumadda inay faraha ka qaaddo Doollarkii Zimbabwe 2009.