Maxaad sameyn laheyd haddii si kama ah laguugu casuumo inaad la kulanto madaxwayne Obama?

Waa dareen meereysi leh marka aad hesho casuumaad lama filaan ah weliba mid ka mid ah madaxwayneyaasha adduunka ugu magaca leh isla markaana waxaa lagaa filayaa inaad soo xirato lebis aadan weligaa xiran kulankaas awgiis.

Bal qiyaas nuuca shaqsigaas iyo farxaddiisa. Laakiin waxaa hadana loo sheegay in uusan aheyn shaqsigii saxda ahaa ee la doonayey in loo diro casuumaadaas.

Sida laga soo xigtay Reddit, ninkaas aan magiciisa la shaacin ayaa waxaa loo diray casuumaadaas special ah si uu miiska ugu soo hor fariisto madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama, laakiin waxba kama aysan quseyn ninka weyn ee uu la kulmayo.

Ninkaas aan magiciisa la shaacin ayaa iska soo xirtay lebiskiisa caddaan ah ee uu caadiyan ku qaban jiray shaqadiisa engineer-nimada ah. Laakiin malaha indhihiisa ayaa la dareemayey inuu doonayey kulankaas ka baaqday.obama2