Maxaadan Ogeyn oo ay kawada hadleen Farmaajo & Safiirka Imaaraadka ee Somalia ?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay daabaceen qaar kamid ah Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Isutaga Imaaraadka, waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay kulan khaas ahaa oo u dhexeeyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Safiirka dalka Imaaraadka ee Somalia.

Kulanka ayaa si gaara uga dhacay Xarunta Villa Somalia waxaana looga wadahadlay arrimo ay kamid ahaayen xiriirka labada dal, Amniga, Siyaasada, Iskaashiga iyo Isgarabtaaga Ciidamada.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu dowlada Imaaraadka ku amaanay kaalinta ay ka qaadato arrimaha Somalia, markii laga soot ago tabashooyin yaryar oo ay qabto dowlada Somalia.

Waxa uu Dowlada iyo Safiirkuba uga mahadceliyay sida Dowlada iyo Shacabkuba u taageeran Somalia, isaga oo ka sheekeeyay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu Safiirka u sheegay in dowlada Imaaraadka ay uga fadhiyaan sida looga dhabeyn lahaa ballanqaadyo hore oo ay wada galeen labada dhinac.

Sidoo kale, Safiirka Imaaraadka Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, waxa uu Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo ballan-qaaday in Abu-dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Muqdisho.

Dhinaca kale, Safiirka ayaa bilowga asbuucan kulan kan lamid ah la qaatay taliyaha amniga, lama oga wax ay ka wada hadleen, iyada oo jirto in December 30, sanadkii tagay ciidamo ay Imaaraadka tababaraan weerar ku qaadeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid, weerarkaasi oo baaritaankiisa socdo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com