Ciidamada xasilinta magaaladda Muqdisho oo weeraray ciidamo ilaalinayay Wasaaradda …

Muqdisho (Caasimadda Online)-wararka ka imaanaya magaaladda muqdisho ayaa sheegaya in uu halkaasi kadhacay dagaal kooban oo udhexeeyo ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ciidamada dowladda ku dhexmara afaafka hore ee xarunta Wasaarada Hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.

dagaalkaan waxaa sabab uhaa sida ay goobjoogayaal inoosheegeen kadib markii ay ciidamo katirsan kuwa xasilinta muqdisho ay damceen in ay qori kaqaataan mid ka mid ah ilaalada  xarunta Wasaarada hidda iyo Tacliinta sare ee magaalasda Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska hor imaadkaas ee u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada soomaaliya.

iskahor imaadyada iyo kalashakiga ciidamadda kawada tirsan dowladda ayaa kusoo badanaya magaaladda muqdisho.

ugu danbayntii xaaladda goobtii uu dagaalku kadhacay ayaa ah mid dagan mana jirto mas uul ka hadlay dagaalka muqdisho ku dhexmaray ciidamada kawada tirsan dowldda soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com