Maxaadan ogeyn oo ka cusub xaalada magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa Saaka degan xaalada guud magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii halkaasi ay isku farasaaren ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Xaafada ugu badan ee uu dagaalka ka dhacay ayaa ah xaafada Garsoor waxaana halkaasi ka barakacay inta badan dadkii degnaa xaafadaasi.

Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa isku horfadhiya xaafadaha qaar oo ay kala heystaan labada maamul, waxaana mar mar la maqlayaa rasaas dhif ah.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.

Dagaalka shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 10 ruux oo u badnaa ciidamada labada dhinac, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 17 oo shacab u badan.

Xaalada ayaa hadda ah mid degan waxaana mar waliba suuragal ah in dagaal uu dhexmaro labada ciidan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com