Xog: Britain oo hal musharax ula dhaqmaysa madaxweynaha cusub ee Somalia oo kale

London (Caasimada Online) – Socdaalkii uu dhowaan magaalada London ku tagay musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa abuuray tuhun weyn oo ku saabsan in Jabriil noqon doono madaxweynaha xiga ee Soomaaliya.

Waxaa aad loola yaabay kadib markii dowladda Britain ay Jabriil usoo dhoweysay una la dhaqantay sida madaxweyne oo kale, taasi oo muujisay in rajada Jabriil ay tahay mid ka sareysa sidii markii hore la mooday.

Kulan uu Jabriil la yeeshay Soomaalida London ayaa lagu arkay ragga loo yaqaan Secret Service ee suga amniga madaxda dunida, waxaana yaab noqotay sababta dowladda UK ay Jabriil ugu qoondeysay raggaas, maadaama uusan weli madaxweyne ahayn.

Si kastaba dadka qaar ayaa u fahmay inay u eg tahay in UK ay ogtahay in Jabriil noqon doono madaxweynaha xiga ee Soomaaliya. Hoos ka eeg sawirka.

whatsapp-image-2016-10-24-at-5-02-43-pm

Waxaa sidoo kale jirta in xubin sare oo ka tirsan xisbiga talada Britain haya ee Conservative-ka Richard Semitego uu boggiisa ku qorayey qoraallo uu aad ugu amaanayo Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Hase yeeshee qoraalka ugu muhiimsan ayaa ah mid uu ku yiri “Waxay ahayd farxad inaan soo dhoweyno Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ay u badan tahay inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Soomaaliya”.

whatsapp-image-2016-10-24-at-5-01-05-pm

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in labada shaqsi ee sida aadka ah ugu loolami doona doorashada ay kala yihiin Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Xasan Sheekh.

Caasimada Onlibe
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com