3 qodob oo sababay dagaalada kusoo laalaabtay Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa muddooyinkaan ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaaladaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo, iyadoo dadweyne badan ay ka barakeen magaalada.

Maxamed Xaadow Nuure oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in seddex arin ay sabab u yihiin dagaalada kusoo laalaabanaya magaalada Gaalkacyo.

1 Inaan la dhaqan gelin hishiiskii C/laahi Yuusuf iyo Ceydiid ee sanadkii 1993.

2 Odayaasha dhaqanka oo markii la is qabtaa xiisada iyo dagaalka joojin jiray oo maanta gacanta ka taagay

3 Iyo Damac siyaasadeed oo u dhaxeeya maamulada ka dhisan magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.

Maxamed Xaadow, ayaa sheegay in xaalada magaalada Gaalkacyo ay sii xumaan karto haddii madaxda labada maamul aysan ka shaqeyn sidii colaada loo joojin lahaa.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in maamul ay ku mideysan yihiin labada maamul laga dhisaa magaalada oo sanad walbaa uu hogaamiyaa shaqsi kasoo jeeda beelaha isku haya magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com