Maxaan ka garanay cajaladdii cusbeyd ee uu Xasan Dahir Aweys soo duubay?

By Asad Cabdullahi Mataan

Bisha Maajo ama waxa afka Ingiriisiga lagu yeero May, 15keedii, 1943dii, oo hadda laga joogo 71 sano ku dhawaad, wadanka  Soomaaliya waxaa laga suubiyay naadi ay leeyihiin dhalinyarada, oo loogu magacdaray SYC, ama naadiga dhalinyarada Soomaaliyeed. Ururkaan aakhirkii wuxuu isku badalay SYL, Leegada ama isbahaysiga dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sheekh Xassan Dahir Aways, hogaamiyihii ururka Xibul Islaam, oo cajalad dhalinyarada Soomaaliyeed u soo diray, 15ka bisha Maajo, amin loo dabaal dagaayay halgankii dhalinyarada Soomaaliyeed ee isxilqaantay.

Sheekh Xassan wuxuu sheegay dhalinyaradaan in labo arin oo waawayn ay qabteen.

Midda kowaad, in dalkii gumaysiga ay ka saareen; midda labaadna inay qabyaaladda la dagaalameen, oy isku soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed, oo siduu sheegay lala kala qoqobay.

Sheekh Xassan wuxuu sheegay xuriyaddii ay keeneen inay dhinayd, oo wax ka maqnaayeen. Sharciga iyo qaawaaniinta u dagsan wadanka, tusaale ahaan, ma ahayn kuwo waafaqsan Diinta Islaamka, ee waxay ahaayeen kuwii uu ka tagay gumaysiga.

Bil xaqiiqatan Sheekha saas warka uma dhigin, ee wuxuu dhahay sharcigii Islaamka lama hirgalin, asagoo ka soo qaadaaya kii wadanka ka jiray inuu waafaqsanayn shareecada Islaamka.

Bacdi wuxuu sheegay in dad isku xilqaameen in wadanka laga hirgaliyo shareecada Islaamka, dadkaasna so jeedintoodii looga baxay kajan.

Khaladkaan ah in laga soo qaado shuruucda wadanka Soomaaliya inay waafaqsanayn shareecada Islaamka waa mid wadaada Salafiyada qaarkood ay sameeyaan. Marka aan u jawaabo.

Axdigii ama dastuurkii Jamhuuriyadda Somaaliya ee 1960kii, qodobkiisa koowaad, faqradiisa saddexaad waxaa ku cad diinta wadanka inay tahay Diinta Islaamka. Bacdi, sidii gadaal dambaba looga faahfaahiyay, ma jiri karin sharci ama xeer ka hor imaankara kan diinta Islaamka. Sidaas darteed, shuruucda wadanka u dagsan waxay ahaayeen kuwo waafaqsan shareecada diinta Islaamka.

Qofkii dhaha ma waafaqsnayn, caddayn aa laga rabaa.

Xiligii askarta wadanka ka talinaysay tusaale waa loo heli karaa sharci ka hor imaanaayay diinta Islaamka, xeerka qoyska, laakiin xiligii dowladihii shacabka ahaa wali lama caddayn qawaaniin wadanka u dagsan oo ka hor imaanaysay tan diinta Islaamka.

Hadday jiraana Sheekh Xassan ma sheegin, hadduu sheegayna caddayn uma keenin.

Xassan Dahir waxaa ka hoos baxday wadanka inuu xal gacanta ku haayay barigaas, waagii dowladaha shicibka, ama waxa loogu yeero afka qalaad dowlidhii shibilka, kasoo la dhihi karo waa isdoorashada iyo in talada dadka dhex taalay, sida Diinta Islaamka qabto, kuna cad aayadda ama astada 38aad, ee suuradda ama cutubka Shura, ama wada tashiga, ee 42aad; madaxda wadanka waxay ku imaanaayeen rabitaanka shicibka ama iraadada shicibka Soomaalida, waana ku tagaayeen, ma jirin khasab.

Marka xukunka tartan aa loogu jiray, taladana waa la wada gorfaynaayay.

Marka aad ay u adkayd in la khaldamo, waayo meesha loo badanyahay aa la aadaayay, wootada ama codaynta aa arintaan kalifaysay, qof walba wuxuu fiirinaa meesha loo badanyahay, bacdina wa halkaas aad, si uu cod u helo. Diinta Islaamka waxay qabtaa caddaalo darro inay noqon karin meesha Ummadda Muslimiinta ay isku raacaan.

Si kale u dhig, ma dhici karin sidii dhacday xiligii Siyaad Barre, in dalka la galiyo dagaal aan si fiican looga doodin, dood lagu raftay lama galin arimihii dagaalkii 77, bacdi waa lagu rafaaday.

Waa jirtay masuq maasuq xiliyadii dowladahii shibilka ahaa, laakiin waxay ahayd arin marka la odoroso la xalin karay.

Waa labo daran mid dooro, masuqmaasuq Iyo kiligii talis ama koox talis yaa daran?

Marka waxa la rabo waa shacab talis, talada waxay dhex taalaa shacabka, siday qabto astada 38aad cutubka 42aad.

Gabogabo, markii la odorosay Soomaalida waxay isku haysato waa la ogaaday waxay isku haystaan: xukun, yaa dalkaan taladiisa ka soconaysaa? Waa taas midd la isku haysto.

Haddii marka qolo ama qof gacanta talada ummadda ku dhigo, filo caddaalo darro, sidii tii dhacday xiligii Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii qabiilada ku dhisnaa ee ka dambeeyay.

Xalka marka waxaa waaye waxaa talinaaya dadkoo dhan, talada dadka ay dhex taalaa, siday qabto astada ama aayadda 38aad, ee cutubka 42aad, ee Shuraa, ama wadatashiga.

Sidaas darteed, ay dadka qaarkiis ugu wardiyaan dadka haloo daayo haka tashadeen aayahooda.

Axmed Godane iyo inta la socota waxay ku andacoodaan inay Islaam wax ku xukumaan, haddana Xassan waa la joogi waayay, sababtana waxaa waaye xukunka wuxuu gacanta ugu jiraa qof ama koox, dhibka waa kaas, bacdi waxay suubinaayaan waxay istusaan, bacdina khaladaad tiro badan ay galaaayaan, sababo la xiriira talada oy ku kaliyoobeen.

Haddii laakiin talada ummadda dhex taalo siday qabto shareecada Islaamka, kuna cad aayadda 38aad ee cutubka 42aad, uma badna in khaladaad waawayn la galo, oo saamayn ku yeesha masiirka ama aayaha umadda.

W/Q: Samatalis Xussayn Xayle
haille60@yahoo.co

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid