Garaad yarida & gefka Axmad Samatar

Axmad I. Samatar wuxuu Xamar yimid asagoo yaaban oo aan weligii arag magaalo weyn, kana yimid tuulo aad uga dambeysa woqooyiga intiisa kale. Markaasaa laga siiyay shaqo Radio Muqdihso, kaddibna loo diray BBC London si uu tababar u soo qaato, waana heshiiski ka dhexeeyay Somaliya iyo BBC…wuxuu ku sugnaa iyo siduu  u noolaa waa naqaanaa, laakin asagu ma oga in ay jiraan dad qiimeyn kara caqliyaddiisa, heerka aqoontiisa, hab dhaqankiisa (and his cheap  personal quality and behaviour).  Wuxuu ka mid yahay dadka xumaanta wax ku raadsada iyo inuu cid kale u gefo si qolada uu wax ka rabo (Somaliland) ay u arkaan qof fiican oo aqoonyahan ah kuna xaragooda xumaanta iyo cayda Xamar. He is good in collecting enemies.

Noloshi aad Xamar ku heysatay meel kale ood ka heli karto adduunka kuma taallo, laakin ma dareensanid oo waxaa kuu muuqda sidi laguu bahdelay markaad doonatay jagu uusan weligii ku riyoon dadka noocaaga oo kale ah..Reer Xamar waxay qabaan maah-maah dheheysa (CITINTAADA CUNAA CAYDAADA YAQAAN)…Ahmed Samatar waa nin isagu is-arkay laakin aysan dadku arag..xikmadda carabiga waxay ahaydمن يرى نفسه قبل أن يره الناس لم يره الناسreer woqooyi waa yaqaaniin waxa aad tahay, fikradda lagaa qabana marna isbeddeli meyso, waayoo waxaa tahay xaasaid aan cidna u oggoleyn nabad iyo barwaaqo. Dulqaadka Xamar xaduu leeyahay, waxaana soo socda xilli ay Xamar xaaqi doonto xaasidka oo dhan sida adiga iyo Galleyr iyo kuwa kale oo badan. Xamar wuxuu mathalaa Somali oo dhan.

Waxaa jirtay sheeko laga soo weriyay Imaam Shaafici, Ilaahey raalli ha ka noqdee, isaga ardaydiisi qaarkood oo malin wada socda ayey la kulmeen dad Sheikha salaamay weydiiyayna xaaladiisi..markaasuu ku

Cabaaday uu yiri dhibaato badan ayaa na heysata oo dhinacya  badan ah, ha ahaato xagga caafimaadka, xagga nolosha iyo xag walba, waana iska adkeysaneynaa..ardadi iyagoo yaabaan ayaa haddana dad kale ka hor yimideen Sheikha oo iyaguna xaaladda weydiiyay, markaasuu u shegay arrin lagu farxo oo yiri aad iyo aad ayaan u fiican nahay wax dhibaato ahna ma qabno Alxamdu Lillaah.

Aradadi Sheekha iyagoo yaabaan ayey sheekha weydiiyeen oo dheheen kuwi horena dhibaato ayaad u sheegtay, kuwanna wanaag kheyr iyo nicmah ayaad u sheegtay…Sheekh sidee wax u jiraan?..Jawaabti waxay naqatay qoladi hore waa dad xaasid nagu ah oo ku farxaya dhibaatada na heysata, laakin qoladan dambe waa dad jecel wanaageena, waxaana qola waliba u sheegnay wax ay ku farxaan. Samatar wuxuu rabaa inuu ka farxiyo Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed oo isu bogaadiya dhibka Xamar ka dhaca.

Ninbaa jiray beri lahaa ey iyo dameer..wuxuu mar kasta la cayaaraa eyga..dameerki ayaa ka maseyray oo isaguna jecleystay inuu la cayaaro ninkan, markaasuu ninkii oo fadhiya uu lugihi hore korka ka saaray. Ninki wuxuu ku sigtay inuu dhinto..intuu soo istaagay ow dameerki dilay..Samatar waxaan uga baqaa inay dilaan kuwa uu raadinayo aqoonsiga iyo jeceylkooda.

Waa nasiib darro weyn in Samatar lagu sheego aqoonyahan, waayo aqoonto waxay leedahay tilmaan ama definition oo ah( EDUCATION IS CHANGE IN BEHAVIOUR0)..aqoontu ma ahan shahaado la qaato ee waa dhaqan hufan, garaad iyo aragti dheer ood ka arki karto cimilada(environment) kugu xeendaabay…Waxa erayada afkiisa ka soo baxaya uma qiyaasna halka ay gaari karaan iyo cawaaqibta ka dhalan karta. Waxaa jirta xikmad carabi ah oo dheheysa لسان العاقل وراء قلبه وقلب الجاهل وراء لسانهoo micnaheedu yahaycarrabka caaqilka wuxuu ka dambeeyaa caqligiisa, caqliga dabbaalkana wuxuu ka dambeeyaa carrabkiisa oo isaga oon fikirin ayuu afka furtaa.  Qoraalkan loolama jeedo in qof lagu aflagaadeeyo ee waa tusaale dad badan wax u kordhin kara, kuwaas oo ah dadka dhuuxa qoraalka oo aan fiirin qofka qoray..Samatarow ku duceyso inta soo socota:

اللهم انى أسالك علما نا فعا ورزقا طيبا وعملا متقبلا    

Waxaa laga yaabaa inuu Ilaahey kugu hanuuniyo meesha kheyrka ku jiro, saaxibadaana ku waani inay joojiyaan cadaawada ay u qabaan Xamar iyo dowladda ka jirta, waana tubta toosan oo lagu wadaagi karo wada noolaashada danta ugu jirto Somali oo dhan.

W/Q: Axmad Calasow               

ahmedalasso@hotmail.com